Dawlada Hoose ee Burco oo Noqotay Goob ay Masuuliyiin isku ehel ahi saxeexa isu hayaan Dawlada Dhexe oo Masuuliyadeedii Meesha ka baxday.

0
559

 

 

 

Dawlada Hoose ee Degmada Burco ayaa isu bedeshay Goob ay ka  dad taliyaan kuna takri falaan hantida umada  Masuuliyiin isku ehel Maadaama Maayarka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf C/raxmaan(M.Muraad) iyo Xoghayaha Dawlada Hoose ee Degmada Burco Cismaan Maxamed Sheekh ay yihiin dad waalid isu ah kuwaasi oo abti isugu beegan isla markaana Xoghaya Dawlada Hoose ayaa Abti Ruma u ah Caruur ay walaalo yihiin  Maayarka Degmada Burco oo ilma Muraad ah,waxaanay tani sabab u noqotay in uu Boob iyo Musuqmaasuq wayni ka dhaco Dawlada Hoose ee Burco mar hadii uu Laba Masuul oo Fulinta ahi ehel yihiin saxeexana ay isu hayaan,Bulshada reer Burco ayaa ku war heshay in Gaadiid ay si sharci daro ah ugu iibinayaan labadan Masuul ee ehalka ahi  Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha degaanka Burco oo taageero looga doonayay Maayarka Magaalada Burco oo Maalmihii ugu danbeeyay uu lasoo dersay olole adag oo la dooonayo in xilka lagaga tuuro Maayarka Magaalada Burco,isla markaana inta badan Xildhibaanada Golaha lagaga awood roonaaday Maayarka hada Xilka haya,Waxaanay Wararka aanu ka helayno Gaadiidka sheegayaan inuu amaah uu ku iibinayay Xoghayaha dawlada Hoose ee Burco Maadaama ay madhanyihiin Qasnadaha dawlada Hoose.

 

 

Xogahaya Gudiga Fulinta ee Degmada ayaa isagu Baalmaray inuu Ilaaliyo hantida Umada ee ay dawlada Dhexe u soo igmatay inuu ka Weero Masuuliyinta Golaha degaanka waxaanu si cad ugu milmay Xildhibaanada Golaha degaanka Burco isagoona la kala saftay.

Waxaanay Dadwayanaha Reer Burco ka war sugayaan Talaabada ay Xukuumadu ka qaado Masuulka ay soo diratay halka Maalmaha soo socda la Filayo in xilka laga qaado Maayarka Magaaladaasi Maadaama kooramka lagu ridayaa dhamays tiranyahay oo uu Badhasaabka Gobolku Togdheer Maxamed Qabo uu Xildhibaanada Mooshinka wada ka codsaday in Dib loo dhigo inta  18 may laga baxayo.

Suxufi Cali Farax Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here