War deg dega: Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Dib Xorriyadiisa Ugu Soo Celiyay Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan Oo Lagu Xidhay Degmada Wajaale ,

0
431

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeyo Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa goor-dhawayd Xoriyadiisa dib ugu soo celiyay Wariye Cabdiraxmaan Nuux Ahmed oo loo yaqaanno Hiiraaan kanna mid ah Wariyeyaaasha ka hawl-galla Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews, kadib markii uu sifo  Sharci-darro ah Xabsiga ugu taxaabay Guddoomiyaha Degmadda Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan.

Ma jiro War rasmiya oo Maamullka Tog- Wajaale ka soo saarreen Xadhiga Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan oo ka tirsan Shabakadda caalamiga ah ee Hadhwanaagnews, hase yeeshee sida aannu ka soo xiganay ilo wareedyo ka ag-dhaw waxa ay noo xaqiijiyeen in Guddoomiyaha Degmada Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan iyo Guddoomiye ku xigeenkiisu ay ka cadhooddeen su’aal uu Wariye

Cabdiraxmaan Hiiraan waydiiyay Wasiir ku xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, taasoo ku saabsanayd Maamulka degmada Wajaale, balse waydiintaasi waxa ay ahayd mid caaddiya oo la xidhiidha hawlaha ay bulshadda u qabtaan iyo galdalloolooyinka Xafiisyadda ay Masuuliyaddooda hayaan.

Warku waxa uu intaas ku daray in markii uu Guddoomiyaha Wajaale Cabdi Saleebaan Xasan uu ku adkaystay Xadhiga Sharci-darada ah ee Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan), ayaa Tifaftiraha guud ee Shabakadda Caalamiga ah ee  Hadhwanaagnews.com Cabdiqani Cabdillaahi Ahmed (Asporo), uu xidhiidh  la sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdilllaahi Fadal iimaan, waxaannu ka cdosadday innuu xorriyadiisa dib ugu soo celiyo Wariye Cabdiraxmaan Hiiraan oo ka baxsan sifaha Sharciga ah uu guddoomiyaha Wajaale xabsiga ugu taxaabay.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal isagoo Ixtiraamaaya xaqa Muwaadiniinta, isla markaanna ahmiyad wayn siinnaaya Shaqadda ay Warbaahintu u hayso Qarankan jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu Ammar ku bixiyay in Xorriyadiisa dib loogu soo celiyo Wariye Cabdiraxmaan Nuux Axmed (Hiiraan).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here