War Deg Dega Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Ee Dalka Germany Cabdalle Ayaanle Cartan Oo Iscasilay

0
440

Iscasilaada Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Dalka Germany . Cabdalle Ayaanle Cartan Bismilaah Waxaan Salmayaa Dhamaan Umada Somaliland Gaar Ahaan Xisbiga Kulmiye Iyo Taageerayaashiisa , Waxaan Halkan Idiinku Cadaynayaa Inaan Iska Casilay Xilkii Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Laantiisa Germany. Sababaha Aan Isu Casilay Waxaa Ugu Waawayn Arimo Aniga Ii Gaar Ah Iyo Waliba Wada Shaqaynta Xisbiga Kulmiye Laantiisa Germany Oo Aan Si Hufan Uwada Shaqaynayn Iyo Waliba Dhalinyaro Iiga Firfircoon Hawsha Oo Aan U Arkay Inaan Booska Ubaneeyo Si Hawsha Xisbiga Ay Dardargalin Ugu Sameeyaan. Aniguna Xisbiga Kulmiye Ilama Haboona Inaan Qayb Ka Noqdo Is Qabqabsi Iyo Hagardaamadiisa. Waana Sababta Aan Dabada Uga Baxay Khilaafaadkaa Jira Awgood Markaan Tiraba Dhawr Goor Dadaalo Aanu Samaynay Oo Aanu Wadajirka Iyo Midnimada Xisbiga Ku Raadinayanay Suurtogaliwayeen Sikastaba Haw Dhacdee. Markaa Way Ila Noqonwayday Inaan Xisbiga Xubin Kasii Ahaado Wakhti Xaadirkan Sababahaa Iyo Kuwo Kale Oo Aanan Yaga Halkan Ku Xusin. Waxaan Sidoo Kale Taageere U Ahay Sidii Horeba Xisbiga Kulmiye Xukuumada Madaxwayne Siilanyo Iyo Musharax Muuse Biixi, Waxaan Sidoo Kale Ku Baaqaya In Midnimada Iyo Wada Jirka Xisbiga Lag Shaqeeyo . Artan1441@Hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here