Somaliland: Hab-maamuuskii Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Dhulka La Jiiday, Mahadhada Xeerka KULMIYE Iyo Miisaanka Masallooyinka Dadweynaha AWDAL

0
660

Xildhibaan Xasan Cawaalle Caynaan oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda lagana soo doortay gobolka Maroodi-jeex, ayaa si qaawan u aflagaadeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

00000000000000000000000000000000000

Xildhibaan Xasan Cawaalle oo ka soo jeeda deegaanka Gobolka Gabiley, kana tirsan Xildhibaanadda xisbiga tallada dalka haya ee KULMIYE, ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Ku-xigeenka inuu isku dayay in askari qasnaji u ah ciidanka madaxtooyadda uu ku bedalo nin uu sida uu sheegay ay isku raas yihiin.

Mr. Caynaan waxa uu sheegay in Madaxweyne Ku-xigeenku aanu wax taageero ah u keeni doonin xisbiga KULMIYE oo uu markii labaad yahay murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka.

“Ninka mar walba istaagaya waxaan ahay Maxamed Case ee  burburinaya ee ooda u rogaya xisbiga KULMIYE waa isaga (Saylici) haddii uu maanta sii joogana cid dooranaysaa ma jirto,”ayuu yidhi Xildhibaankan oo ay isku deegaan ka soo wada jeedaan Murrashaxa madaxweynaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, waxaanu intaas ku kabay “Madaxweyne Ku-xigeenka qabyaaladiisii way badatay, lex-jecladaadii way badatay waxa naloo sheegay inaad meelo badan saami ku leedahay oo aad shirkadda laydhka caasimadda ku jirto.”

“Lacag urursi ayaad u timid meeshee madaxweyne ku xigeen umaad iman, dalkanna (Somaliland) waad baabi’inaysaa, adigaana jabinaya.haddii  aad Muuse Biixi sidan uga daba sharaxan tahay (Murrashaxa Madaxweynaha KULMIYE) cid dooranaysaa ma Jirto,”ayuu yidhi Xildhibaan Xasan Cawaalle.

Musharaxiinta Madaxweynaha Iyo Madaxweyne Ku-xigeenka KULMIYE

Xildhibaankani waxa uu hadalkiisu u muuqdaa mid uu kaga leexday siyaasadii xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE-ba.  Waxa kale oo uu si ujeedaysan ugu gabood falay  hab maamuuska uu qoddobka 93-aad fiqradiisa 1-aad u jideysay Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka inay leeyihiin hab maamuuska koowaad ee qaranka.

Waxa intaas dheer in wararka aanu ka helay gobolka Awdal sheegeen in dad badani ay ka cadhoodeen aflagaadada ka dhanka ah Madaxweyne Ku-xigeenka, halka ay jireen qaar kale oo taabacsanaa dabuubta xildhibaanka hase yeeshee ka biyo diidsanaa sida qalafsan ee uu afkalagaadada ugula dul dhacay magaca mid ka mid ah beelaha gobollada Awdal iyo Selel.

Waxa kale oo uu dhaawacay isla markaana ka hor yimid xeerka xisbiga KULMIYE  ee lagu sadqeeyay Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo xubinimadii iyo xilkii xisbiga uu ka hayay-ba laga saaray 15-kii april 2012-kii fadhi ay ku yeesheen golaha dhexe, waxaana laga hor akhriyay warqad uu ka soo qoray Guddoomiye Muuse Biixi, oo u qornayd sidan:-

Waraaqdii Muuse Biixi Ka Qoray Cabdiraxmaan C/Qaadir Ee Xisbiga lagaga Saaray Cabdiraxmaan Cabdiqaadir

“Waxaan  si sharaf iyo qadarin mudan idiinku soo gudbinayaa anshax marin ka dhan ah C/Raxmaan C/Qaadir Guddoomiye Ku xigeenka labaad. Md. C/Raxmaan C/Qaadir wuxuu dhawr jeer shirar jaraa’id oo uu si toos ah uga horyimid dastuurka iyo Barnaamijka xisbiga.

C/Raxmaan wuxuu si aan gabasho lahayn u cadeeyay inuu ka soo horjeedo barnaamijka xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ku shaqeynayay kaasi oo ah barnaamijkii iyo dastuurkii lagu ansixiyay shirweynihii labaad ee 2008-dii. Mudaneyaal, Gudidda fulinta ee xisbigu dhawr jeer ayay waano iyo digniino u jeedisay C/Raxmaan C/Qaadir, hase yeeshee Mudanuhu wuu ku sii adkaystay sharci jabintii. Waxaan u soo jeedinayaa Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE inuu Goluhu ku anshax mariyo qodobka 56-aad ee dastuurka qaranka ee anshax marinta loo cuskado. Maadaama oo uu si toos ah uga horyimid dastuurkii iyo Barnaamijkii xisbiga.”

Xasan Cawaalle Miyaanu Xeerka Xisbigu ahayn shaqsi uu Qabanayo

Waxa kale oo uu Xasan Cawaalle jabiyay xeer hoosaadka xisbiga iyo qoddobadiisii loo cuskaday ee xisbiga lagaga saaray 10-kii April 2016-kii Guddoomiye ku-xigeenadii labaad iyo saddexaad ee KULMIYE,  Maxamed Xaaji Yuusuf Waabeeye iyo Cabdiraxmaan Talyanle oo loo cuskaday qoddobka 11-aad ee dastuurka KULMIYE fiqradiisa 1-aad iyo qoddobada 13-aad iyo 25-aad.

Gunaanad:

Waxa is weydiin mudan oo shacbiga ku dhaqan AWDAL  iyo gobollada kaleba ku dhex wareegaysay dhawr iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay su’aal ahayd “Haddii Xildhibaan Xasan Cawaalle inta uu ku yidhi Saylici uu ku odhan lahaa MUUSE BIIXI.  Maxaa dhici lahaa, Miyaanay Xisbigu fadhiisteen, miyaanay tallaabooyin ka soo baxeen? Haddaba ka wartan ninka dastuurku siiyay hab-maamuuska koowaad inuu aflagaadeeyo ma gar baa, ma sharci baa mise waxa uu  aaminsan yahay  inaan qof beeshiisa ah aan laga saa uu ka soo jeedaa difaacayso oo aan laga saari karin xisbiga KULMIYE. Jawaabtuna waa mid u taalla Hoggaanka KULMIYE, Guddida fulinta iyo Golaha dhexeba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here