Wasiirka Wasaaarada Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Soomaliland Md:Cali Xasan Mohamed Oo Ka Hadlay Dhibaatada Dhulka

0
675

Wasiirka Wasaaarada Hawlaha Guud Gaadiidka Iyo Guryaynta Soomaliland Md:Cali Xasan Mohamed Oo Ka Hadlay Dhibaatada Dhulka “Maanta Magaalada haddii aad soo marto waxaad arkaysaa intaas oo dhul oo kilomitiro ah oo aan loo baahnayn oo dad iska leeyahay oo la isku dul iibsanayo subax walba dabadeedna wuxuu noqday meel yar oo intan le’eg hal miylan oo dollar lagu sheegayo horta sidaas ayay tahay mushkiladda ugu badan ee xagga dhulka”. Wasiir Cali Xasan Maxamed. Hargeisa 30/05/2016 “Xafiiska Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud” Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa ka hadlay mushkilladda dhinaca dhulka ee wakhtiyadii u dambaysay dalka ku soo badanaysay iyo sababaha keenay inay dhibaatooyin badan u dhacaan dhulka awgii. Wasiir Cali ayaa sheegay inay mushkiladda ugu wayni tahay in dhulkii hanti laga dhigtay taasina aanay haboonayn, waxaa kale oo uu Wasiirku sheegay in tuulooyinka yar yar ee la samaynayaa ay qayb ka yihiin dhibaatooyinka dhulka. Wasiirka oo arrimahaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa ka soo qaybgalayaasha shirkan muhiimka ah ee lagaga hadlayo siyaasadda qaranka ee dhulka oo ah mushkilad oo dhulku waa kii ilaahay inagu abuuray ee noloshuba ku socotay laakiin inta magaalooyinka iyo dadku uu batay waxaa soo noqnoqonayay dhibaatooyinkiisa kolaybana dhawr meelood ayuunbay dhibaatooyinku ka yimaadaan, midi waxa weeye magaalooyin waxaa keenaya dadkii oo Magaalooyinka ku soo fara badanaya iyo dadkii oo hanti ka dhigtay dhulkii dabadeedna la qaali garaynayo oo la sidii suuqii sixirka lacagaha la isku dul dhacayo”. “Maanta Magaalada haddii aad soo marto waxaad arkaysaa intaas oo dhul oo kilomitiro ah oo aan loo baahnayn oo dad iska leeyahay oo la isku dul iibsanayo subax walba dabadeedna wuxuu noqday meel yar oo intan le’eg hal miylan oo dollar lagu sheegayo horta sidaas ayay tahay mushkiladda ugu badan ee xagga dhulka, dhulkaas aan baahidu jirin ee u baahan siyaasad laga yeesho oo dadka dee dhulka wakhtibaa la siiyaa oo waxa la yidhaahdaa intaas ayaad ku yeelanaysaa”. “Haddii ay intaas kula dhaafto dawladda ayaa kaala wareegaysa waa inaad wax ka qabataa inuu qofku dhul macno darro ah iska haysto waxay keentaa inuu dadkii wax ka qaban lahaana ka xayiro bilicdii magaaladana uu ka xayiro markaa horta taasi waa mid. Ta kalena waa miyaga oo deegaano cusub oo la samaynayo oo deegan waliba is leeyahay tuulo yar oo reerkiinu leeyahay samayso iminkana qof qof ayay gaadhayoo tuulo walba qofbaa soo degaya dabadeedna boqolaal tuulo ayaa samaysmaya dabadeedna de muranbaa ka imanaya oo qolo kale ayaa diidaysa, muranka kalena waa ka beeraha oo isaguna rabshadiisa iyo wixiisa wuu leeyahay markaa hawlahaas oo dhami waa kuwa aynu doonayno inaynu siyaasad u samayno, mushkiladda aynu ku xallino sida ugu haboonba looga faa’iidaysto”. “Siyaasadda halkan ku qoran ee qabyo qoraalka ah kolay xagayaga kamay soo dhamaanin oo anagu waxaanu nahay wasaaradda hawlaha guud hawshani marka ay magaalada timaado waa hawshayadii markaa waxay ahayd intaanu isa soo wada raacino inaanu idin soo hor dhigno. Metelan marka aad eegto kolay xeerarka waxaa ku qoran dhulka waxaa loo samaynayaa xeer”. “Dhulkuna waxa uu leeyahay xeer No 17 la yidhaahdo oo ay baarlamaanadu ansixiyeen markaa isna habo loo raaco ayuu leeyahay bogga 37aad waxaa ku qoran waxaa siyaasadda fulinta loo gudbinaya wasaaradda madaxtooyada markaa qodobo sidaas ah ayaa qoran oo loo baahan yahay in dadka la soo hor dhigo markaa aynu dib isugu noqono wixii inaga qabyo ahna aynu soo habayno isagoo aad u culus oo mushkiladahaas oo dhan ka jawaabaya ayaynu umadda soo hor dhigi doonaa. aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin.” ALLAH MAHAD LEH C/raxmaan C/laahi Wirdaani Afhayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here