Wasaarada Hawlaha Guud Iyo Guryaynta Somaliland ayaa liiska labaad ka gashay wasaaradaha ugu wasiirka wanaagsan sanadkan 2016

0
646

Waxaana xilka wasiirnimo ee wasaaradaasi gacanta ku haya siyaasi da’yar oo lagu magacaabo Cali Xassan Maxamed bulshaduna u taqaano Cali Mareexaan.

Cali Mareexaan ayaa xilka wasiirnimo ka hor kamid ahaa midanayaasha golaha wakiilada hadh iyo alayl u guclayn jiray sidii ay u guulaysan lahayd xukuumada Madaxwayne Axmed Siilaanyo oo haatan dabcan guulaysatay maadama ay dalka ka hirgalisay isbadal dhaba oo ay qiraan badiba bulshada caalamka iyo mucaaridka xukuumadu .

27 Actobar 2015 ayaa loo magacaabay Cali Xasan Maxamed Wasaarada Hawlaha Guud ee Somaliland dharaaro kadib markii Madaxwayne Siilaanyo ku qancay in siyasigan da’dayari uu suurta galin karo horumar ka sal balaadhan kii xukuumada uu ugu yimi ,waxa uu go’aan saday in Hay;ada Waddoyinka uu hoos geeyo waana la hoos keenay .

Wasiir Cali Mareexaan ayaa horumar la taaban karo ka qabtay hay’ada waddoyinka dalka waxanu dardar galiyay wadada dheer ee Ceerigaabo oo ah yoolka Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo.

Wasiirka hawlaha guud ayaa ah shakhsi ay karaameeyaan bulshada reer Somaliland mucaarid iyo muxaafidba waaxanu ku mutaysaty mrtabadaa dhaqan wanaagiisa iyo kartidiisa shaqo .

Wasaradan Hawlaha Guud ayaa dhawaan liiska labaad ka gashay Wasaarada ugu Wasiirka Wanaagsan Somalialnd Sanadkan2016 ,Wasarada Kaalinta Koowaad ka cidhiidhsatay ayaa ah Wasaarada Arrimha Dibada oo uu wasiir ka yahay Dr.Sacad Cali Shire.

wasir cali xasan
Qoryaalenewsc@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here