DAWLADA ITOOBIYA OO SOMALILAND U GUDBISAY DALAB GANACSI OO AAN HORE UGU JIRIN HESHIISYADII HORE EE AY WADA GALEEN LABADA DAL

0
424

DAWLADA ITOOBIYA OO SOMALILAND U GUDBISAY DALAB GANACSI OO AAN HORE UGU JIRIN HESHIISYADII HORE EE AY WADA GALEEN LABADA DAL

Kulan qasriga Madaxtooyadda Somaliland ee Hargeysa ku dhex maray wefti ay hogaaminayaan labada wasiir u dawle ee Xanaanada Xoolaha iyo Arrimaha Dibeda ee Dawladda Federalka Itoobiya iyo wasiiro ka tirsan Somaliland ayaa laga wadahadlay sidii ay Itoobiya Xoolaheeda uga dhoofin lahayd Marsada Berbera.

Kulanka ayaan labada wasiiro dawle midkoodna ka hadal waxyaabaha ay isla soo qaadeen kana wadahadleen,hase yeeshee warar hoose oo ka soo baxaya kulankaasi ka dhacay Aqalka Madaxtooyada ayaa sheegaya in ay Dawlada Itoobiya dalbatay in ay danaynayso in ay Xoolaheedu ka dhoofaan Dekeda Magaalada Berbera.

 

Soo jeedinta weftiga Itoobiyaanka ah waxa ka hor yimi guddida Somaliland u metelaysay wadahadalo hore oo ay labada dal arrimaha ganacsiga uga yeesheen oo ay arrintan dhoofka Xoolaha Itoobiya ka mid tahay, hase yeeshee shirarkii hore ee ay wada yeesheen la isku af-garan waayey.

Weftiga Itoobiyaanka ah ayaa imika soo jeediyey Xoolaha ay doonayaan inay dhoofiyaan in uu noqon doono xoolaha dhulka sare ee Itoobiya ku dhaqan, kaasoo ay ku doodeen in aanu saamayn ku yeelan doonin Xoolaha Somalidu leedahay ee Kililka shanaad, kuwaas oo ay Somaliland walaac ka qabto haddii laga dhoofiyo Dekedooda inay khasaare kala kulmi doonaan, maadaama ay Somaliland ku doodo Xoolahaas in uu yahay ka aya dhoofiyaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here