Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Weerar Afka AH Ula Tegay Xisbiga Waddani Oo Talaabo Been Abuur Ah Ku Kacay

0
449

Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Ucid Oo Weerar Afka AH Ula Tegay Xisbiga Waddani Oo Talaabo Been Abuur Ah Ku Kacay

Xisbiga UCID ee dalka Sweden Waxaa uu doonayaa in uu shacbiga somaliland u cadeeyo war aan sal iyo raadtoona lahayn oo ka soo yeedhay gudomiyaha xisbiga wadani oo wax qabad ka dhigtey,hawl aanu waxba ka ogayn isla markaana aan xiitaa da’daalkeeda aanu waligii saacad galin isaga iyo xisbigiisuba
Xisbiga UCID ee dalka Sweden wuxuu da,daal dheer,Wakhti iyo Shaqoba galiyey.
Hadaba Xisbiga UCID ee dalka Sweden Waxaa uu ka Xishoodey in Hawshaa Sheegto isaga oo ku ixtiraamayaa rag badan oo hawshan ka shaqeeyey oo uu ugu horeeyo Gudomiyaha guddida Ictiraaf raadinta Sweden Mudane Maxamed Yuusuf Bidhiidh Badda .
Waa wax lala yaabo arin aanu wax ka ogayn in uu ciro ku faano oo dadka uga dhigo mid ay ka soo shaqeeyeen xisbigiisu.
Tiraba dhowr jeer ayey ka cudur daarteen in ay noo raacaan kulamadii soo dedejoyey doodan.
Waxaanu si kooban bulshada ugu iftiiminaynaa in guddoomiyaha golaha wakiiladu aanu u socon waxna ka ogayn dooda baarlamanka sweden ka lahaayeen qadiyada somaliland taas oo aanay wax shaqo ah ku lahayn xisbiga wadani. Hawshana waxaa lahaa guddida citiraaf raadinta ee sweden.
Guddida waxa la sameeyay feb 2016, waxaana sameeyay guddoomiyaha wakaalada qurbo jooga Cabdi cabdillahi xirsi, waxay ka kooban tahay 14 xubnood oo cid walba leh, kama mid aha xubin kaliya oo mansab ka haysa xisbiyada balse xubnuhu xisbiga ay doonaan bay taageeri u yihiin. Waa guddi matasha qaranka Somaliland. Hadafkooda ugu weyna waa ka midho dhalinta danta guud ee qaranka.
Maalintii la magacaabay ilaa maanta 9 jeer baa Somaliland lagu soo hadal qaaday Parlamaanka sweden, wali taariikhda kama ay dhicin, waxaana sabab u ah dedaalka shacabka reer Somaliland qaadeen oo guddidu hormuud ugu tahay.
Waxay ku guulaysteen in labaatan xildhibaan tiro ka badan ay saaxiibadeen ka dhigaan.
Dedaalkaa iyo juhdigaa waa nasiib darro in xisbi kaligii sheegto.
Ka ucid ahaan waanu la ognahay waxqabadkaa oo anagaaba kala qayb qaadanay shirarkaa qaar ka mid ah, halka Wadani uu ka cudur daartay in uu u raaco.
Teeda kale, Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro lama hubo in uu tagay baarlamanka dalka Sweden. Waxaan haboon in uu isku howlo shaqooyinka hor yeel ee uu ugu horeeyo xeerkii doorashada golaha wakiilada. ee doorashada sannadka inagu soo haysa xeerkaas oo la’aantii aanay suura gal ahayn in doorasho dadka dhacdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here