Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Kulano Kala Duwan La Yeeshay Wasaarado Ka Tirsan Dowlada Dalka Ethiopia

0
474

Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Md Sacad Cali Shire oo Kulano Kala Duwan La Yeeshay Wasaarado Ka Tirsan Dowlada Dalka Ethiopia

Wasiirka Arrimaha Dibeda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyada Somaliland Dr Sa’ad Ali Shire , Oo mudo labo cisho ahba u joogay hawlo shaqo magalo madaxda Dalka Ethiopia ee Addis Ababa, ayaa maanta kulan balaadhan kula qaatay xafiiskiisa wasaarada Arrimaha Ethiopia wasiirudawlaha wasarada Arrimaha qaybta horumarinta Mudane Regase Kefalew Oo ay wehelinayaan Agaasimaha u qaabilsan wasaarada Arrimaha debeda wadamada Deriska ah.

Mudane Haile Gebre sellasie . 

kulankan Oo mudo saacada qaatay waxay labada dhinac kaga wada hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Kulankan Oo dabo socday safarkii ay weftiga Ethiopian ka ahi dhowaan Ku tagteen Somaliland ayaa diirada lagu saaran iskaashiga dhinacyada dhaqalaha ,Ganacsiga ,siyaadada iyo isticmaalka Dekeda Berbera , kulankan Oo Dr saad ay ku wehelinayaan safiirka safarada Ethiopia Mudane Adam Muse Jibril iyo Safiirku Xigeenka Mudane Ayanle Salad Deria , wuxuu ku soo dhamaaday guul iyo is afgarad buuxa.

Allaa mahad leh

Ladna HassanRabi
Public Relation Officer

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here