War Deg-Deg Ah Ciidamada Liyuu Booliska Oo Tuulada Gor-Gor Ka Kaxaystay Dad Oo Isugu Jira Saladaan, Cuqaal Iyo Dadka Deegaankaasi.

0
502

Iyadoo ay mudoyinkii u danbeyayba xaalad adag oo qalafsani ay ka taagnayd ka dib markii ay ciidamada dowlad deganka somalida ethiopia ee loo yaqaano Liyuu Boolis ay xasuuq ba-an ka gaysteen tuulada jaamac Dubad oo hoos timada degmada Gashaamo  isla markaasna ilaa iyo imika aan laga gaadhin wax xala dadkaasi la xasuuqay, ayaa habenkii xalay ahaa waxa magalada burco ka safray Saladin,Cuqaal iyo Waxgarad Kale Duwan kuwaasi oo ku sii jeeday Degaanka Tuuladda Gorgor oo ay wax yar isu jiraan Tuuladii dhawaan Uu ka dhacay xasuuqii Ee Jaamac Dubad, ujeedka saladiinta,cuqaasha iyo waxgaradkani ayaa daarnaa sida ay hadhwanaagnews u xaqijiyeen dad goob joog ahi inay kulan tuuladda Gorgor kula lahayeen Madax ka tirsan Dowladda Federalka Ethiopia oo maalmihii udanbeyayba ku howlanaa sidii ay si dhab ah u ogaan lahayeen waxa sababay xasuuqa ay gaysteen ciidamada liyuu boolisku,  Wararku ayaa waxay intaasi ku darayaan in saaka markii ay waxgaradkasi ku waabaristeen tuulada gorgor ay inyar ka dib ay degankaasi soo gadheen ciidamo tirro badan oo ah ciidamada liyuu boolisku, waxaanay ciidamadaasi liyuu boolisku ay ka kaxeysteen tuulada gorgor 50 Oday ee isugu jiray Saladiinta,Cuqaasha iyo Waxgaradka ka soo jeeda degaanka Jaamac Dubad ilaa iyo imikana lama garankaro sababta keentay inay ciidamadaasi afdubtaan waxgaradkaasi, Sidoo Wararka aanu ka helayno Tuulada Gorgor ayaa shegaya inay ciidamadaasi deganka gorgor kaga tageen oo kaliya Suldaan Maxamed Yuusuf (Biish) iyo oday Cabdi Xaashi oo ka mid ahaa Waftigii habenki xalay ahaa ka anba baxay Magalada Burco una sii jeeday dhanka degaanka gorgor, Dadwaynaha Tuulada Gorgor ayaa iyagu iswaydinaya sababta keentay inay ciidamada dowlad deganka somalida Ethiopia liyuu boolisku ay afdubteen cuqaal iyo waxgaradka ka soo jeeda degankaasi, Ugu danbayntii waxa mudoyinkii u danbeyayba Deganada hoos yimada Degmadda Gaashamo maalinba maalinta ka danbaysa ka soo cusbonanaysa Falal amni daro oo ay horseed u yihiin Ciidamada liyuu boolisku,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here