Akhri Waraaqdii Dawlad Degaanka Somalidu Ku Xanibtay Telefishanka HCTV Iyo Nuxurka Hadalo Ay Ku Dafirtey Jiritaanka Dawladnimo Ee Somaliland.

0
482

Warbaahinta ayaa markii ugu horeysay heshay waraaqdii ay dawlada degaanka Somalida Ethiopia ku xanibtay ,kanaga saartay Satellite ka Thaicom-ta telefishanka HCTV oo laga lee yahay Somaliland.

Waraaqda oo uu shirkadda u qoray wasiirka Isgaadhsiinta iyo dhaqanka ee dawlad degaanka Somalida Ethiopia ayuu kaga codsaday in Telefishanka HCTV hawada laga saaro,isaga oo ku eedeeyey inuu sii daayey warar degaanka Somalida Ethiopia ka dhalin kara isku dhacyo iyo xasuuq lamid ah kii ka dhacay dalkaasi Rwanda.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu talefeshinkaasi ka shaqeeyo lagana maamulo ,maamulka iskii isugu dhawaaqay ee Somaliland,kuwaas oo aan lahayn wax sharci ah oo dhanka warbaahinta ah,taas oo uu sida uu sheegay uu codsanaayo in laga saaro Telefishankaasi Satellite ka Thaicom ka,sababta oo ah ayuu yidhi telefishanka HCTV oo ah mid soo daynaaya warar aan is lahayn iyo isaga oo aan lahayn wax xirfad yaqaano ah oo dhinaca tebinta ah,gaar ahaana dhacdooyinka degaanka Somalida Ethiopia.

Wasiirka ayaa sheegay inay arrintaasi kala xidhiidheen dawlada Federalka ah ee Somaliya ,inkasta oo aan la sheegin jawaabta rasmiga ah ee ay dawlada Somaliya soo siisay.

Waxaanu kusoo gebo gebeeyey qoraalkiisa oo dheeraa wasiirku inuu ku kalsoon yahay in sida ugu dhaqsaha badan talaabo looga qaadi doono telefishanka HCTV lagana saari doono Satellite ka THAICOM.

Dhowaan ayay ahayd markii uu telefishanka HCTV baahiyey barnaamijyo laga diyaariyey xasuuqii foosha xumaa ee uu maamulka Cabdi Ilay ka geystay degaanka Xarshin,gaar ahaana degmada Jaamac Duba,halkaas oo ay ciidamadiisu ku laayeen caruur iyo dumar iyo odayaal masaajid ku jiray,taas oo keentay in weriyeyaal uu ku jiro weriye usoo waramaayey telefishankani laga afduubo Somaliland gudeheeda.

Waxaana dhacdadaasi ku xigtay iyada oo ay dawladaasi degaanka Somalida ee Ethiopia hawada ka saartay telefishanka HCTV,ilaa haddana ma jirto cid ka hadashay maamulka Telefishanka iyo xukumada Somaliland oo iyadu awood ahana ka jilicsan maamulka degaankaasi midna

Hoos Ka Akhri Warqada Hawada Lagaga Saarey HCTV.

HCTV dacwad

Xigasho Cumar Seerbiya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here