Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo Hambalyo Iyo Bogaadin Udirey Shacbi Waynaha Reer S/land Xuska Munaasibad 26 June Awgeed

0
655

“Waxan Hambalyo iyo Bogaadin U Dirayaa Shacabkayga Somaliland Gudo iyo Dibadba Meel Kasta Oo Ay Joogaan Munaasibadda 56 Guurada Ka Soo Wareegtay Maalintii Somaliland Xornimadeeda Ka Qaadatay Ingiriiska

Waxaa Ino Wada Farxad Ah Dhamaanteen In halgan dheer , dadaal, dhiig iyo hanti badan oo loo huray dib ula soo noqoshadi Xoriyadeeni inaga luntay. kadib waxa Jamhuuriyadda Somaliland mar kale dib ula soo noqotay xornimadeedii 18 May 1991,

“waxaanay Somaliland 25 sanno kadib joogtaa inay tahay qaran madaxbannaan, awood leh, hay’adihiisa dawladiga ah iyo shuruucdiisu u dhammaystiran tahay, isla markaana hirgeliyey hannaan dimuqraadi ah oo ay ku qabsatay ugu yaraan shan doorasho Oo dadweynuhu codkooda si xalaal ah u soo xusheen Madaxdooda haday tahay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigen.xildhibaano Goolaha waakilada,Xildhibaano Goolaha Degaanka Wana Waxa Aynu Maanta Ku Fanayno

Sidaasi darteedna, Somaliland Waa Qaran madaxbannaan Oo inuu hore u socdo mooyee aan Yeleen Hagar Damoyinka Iyo Mana Awaalka Dawlada Xamar marnaba weligeed dib ugu noqon doonin midow dambe. Oo Isaguna Saqiira Ama Lagu Hungobay

Anniga oo ah Xildhibaan Mubaarig Yusuf( Bidhi) waxaan beesha caalamka ugu baaqayaa in ay Hoos U Egaan Qadariyaan xaqa iyo xuquuqda aayo-ka-tashi Ee shacabka Somaliland Oo isla markaana si buuxda u ictiraafaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here