Chief Caaqil barkhad cabdi shaybe Ayaa Baaq Nabadeed Udiray Beelaha Walaalahaa Ee Dagaalku Ku Dhexmaray Deegaanka Dharkayn Geeyo.

0
516

Chief caaqil barkhad cabdi shaybe  Oo kamidaa Cuqaasha Somaliland  ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood ee walaaha ah Ee  Dagaalku Ku Dhex Maray Deeganka Dharkayn Geeyo  Ee Koonfurta Golka Sool

Chief Caaqil Barkhad Cabdi Shaybe Ayaa Ugu Horayn ka xog waramay qiimaha ay nabadu uu  leedahay aadamaha  waxaana uu Chief caaqilku tacsi  Tiiraanyo Leh Udiray dadku dhintay dagaalkaasi Oo In Mudaa Soo Noq Noqanaayey Waxanu Kuwii Ku Dhaawacmay Alle Ugu Baryey Inuu Caafimaad Sareecana Siiyo

Chief caaqilka oo arimahaasi ka hadalaayo Waxaa Hadaladiisii Ka Mid Ahaa Sida Tan

“walalayaal colaad wiilba ku dhinte wiil  kuma dhashee  Waxaan Iidinku Baaqayaa in aad nabada ilaashataan oo wax qaldan wada hadal iyo wado xaajood Iyo is afgarad lagu soo dabaalo si aynu uu hello  xasilooni waarta

Walaalayaal Waxaan Sidoo Kale Idinku Boorinayaa Inaad Maqashaan Oo U Hogaansataan Ergooyinka Kala Duwan Ee Ku Hawlan Nabadayntiina Waxanan Dadkii Ku Dhintay Dagaalkaasi Alle Ugu Bar Yayaa Inuu Janatu Fardawsa Ka Waraabiyo Kuwii Ku Dhaawacmayna Caafimaad Sareecana Siiyo”

Gabagabadii waxaa uu chief caaqil Barkhad Cabdi Shaybe uu ugu baaqay salaadiinta odayaasha waxgaradka boqorada ku dhaqan gobolada soomalilannd in ay  Si Niyad Samiya Uga qayb qaatan daminta colaada  Mudooyinkii Ugu Danbeeyey ka dhex aloosan Labadaasi Beelod Ee Walaalaha

Waxaanu Sidoo Kale Chief Caaqilku Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ku Amaanay  Qaybta Laxaadka Leh Ee Ka Qaatay Daminta  Dagaalkaasi.

“Waxaan Ugu Baaqayaa Guud Ahaanba Madax Dhameedka Somaliland In Aad Dhamaantiinba Si Mug Iyo Miisan Leh Uga Qayb Qaadatan Dhibaatadaasi Deeganka Dharkeyn Geeyo Ka Socota Ee Ay Isku Gumaadayaan Labadaasi Beelod Ee Walaalaheena

Waxaan Bogaadinayaa Oo Hambalyeynayaa Madaxweynaha Somaliland  Oo Isgu Door Muhii Ka Qaatay Daminta Colada Ka Dhex Taagan Labada Beelod Ee Walahaa Waxaan Alle Ugu Baryaa Inuu Ku Guuleeyo Soo Af Jarideeda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here