Hoggaanka WADDANI oo ka Muquurtay Xuska Maalinta 26-ka June, Xilli ay Dhawaan Muran Geliyeen 18-ka May Su’aasha Taagan ayaa ah Xisbiga WADDANI Ma Waxa Uu Doonayaa Oo Weynaynayaa Maalinta 1-da July?

0
536

Hoggaanka WADDANI oo ka Muquurtay Xuska Maalinta 26-ka June, Xilli ay Dhawaan Muran Geliyeen 18-ka May Su’aasha Taagan ayaa ah Xisbiga WADDANI Ma Waxa Uu Doonayaa Oo Weynaynayaa Maalinta 1-da July?      Hoggaanka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa hoos u dhigay qiimaha munaasibadda 26-ka June oo kamid ah maalmaha qaran ee umadda reer Somaliland leedahay, kadib markii ay ka muquurteen xafladihii loogu sameeyey dalka.  Xuska maalinta xornimada oo ahayd sannadkan 56-guuradii ka soo wareegtay markii calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa munaasibad ballaadhan oo xuskeeda loogu sameeyey xarunta Madaxtooyada Somaliland, laguna marti qaaday dhammaan madaxda axsaabta siyaasadda dalka, waxa si cad uga baaqday hoggaanka xisbiga WADDANI oo aan kasoo xaadirin kulankii lagu weynaynayey, halka guddoomiyayaasha iyo madaxda kale ee labada xisbi ee kale, xukuumadda iyo shacabkuba aanay u kala hadhin. Munaasibadda ayaa waxa lagu arkay sida ay muujiyeen kamaradihii xubno dhallinyaro meeqaamka ay ka hayaan xisbiga WADDANI uu hooseeyo, isla markaana aan wax awood ama talo xisbiga ahi ka go’in, iyadoo hoggaanka xisbiga, gaar ahaan Guddoomiye-ku-xigeenka Axmed Muumin Seed oo ku-simaha guddoomiyaha ahaa, xoghayaha guud iyo xubnaha sarsare ee kaleba ay dhammaantood joogeen caasimadda Hargeysa, marka laga reebo guddoomiye Cirro oo isagu dalka safar kaga maqan. Ficilka uu xisbiga WADDANI ku qiimo tiray maalintan qaran, ayaa waxa si weyn u hadal haya shacabka reer Somaliland, kuwaas oo su’aalo badan iska weydiinaya sababta keentay inaanay hoggaanku ka xaadirin munaasibadaas qiirada lahayd ee dib loogu xasuusanayey xorriyadii luntay ee Somaliland ka qaadatay dalweynaha Ingiriiska, balse ay haatan dib u soo ceshatay. Maaha munaasibadda lagu qabtay qasriga madaxtooyada midda ay xisbiga WADDANI ka muquurteen, balse dhammaan munaasibadihii maalinta 26-ka June lagu weynaynayey gobollada iyo degmooyinka dalka lagu qabtay laguma arag qof xisbigaas ku abtirsada oo ka qaybgalay, waxaana arrintan ku meersan su’aalo badan maanka shacabka ka guuxaya. Ka muquurashada xuska maalinta qaran ee 26-ka June, ayaa ku soo beegmaysa xilli Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)uu dhawaan carriga Maraykanka kaga dhawaaqay weedho ay shacabka Somaliland liqi waayeen oo uu hoos ugu dhigayo maalinta qaran ee 18-ka May oo uu si cad ugu sheegay mid aan la wada lahayn ee loo baahan yahay in la beddelo. Dhawaaqa Guddoomiye Cirro hoos ugu dhigay maalinta 18-ka May iyo ka muquurashada hoggaanka xisbigiisa ee xuska maalinta 26-ka June, ayaa loo fasirtay inuu xisbiga WADDANI kasoo horjeedo maalmaha qarankani maamuuso ee taariikhda u leh, isla markaana ka door bidayo maalmo ummaddani ilduuftay dhaxalkii qarannimadeeda oo ay ka mid tahay1-da July oo ah maalintii Somaliland xorriyadeeda sida indho la’aanta ah ugu wareejisay Koonfur. Dhinaca kale, hoggaanka xisbiga WADDANI waxa uu si badheedh ah ugu muquurtay munaasibad kale oo caasimadda Hargeysa lagu qabtay, taas oo lagu weynaynayey maalintii ay Jamhuuriyadda Djibouti xorriyadeeda ka qaadatay dalka Faransiiska, taas oo labada xisbi ee KULMIYE iyo UCID ka qaybgaleen, isla markaana xukuumaddu qaybteeda qaadatay. ka maqnaanshaha xisbiga WADDANI ee munaasibadda Hargeysa loogu qabtay maalinta xorriyadda ee dalka Djibouti oo weliba lagu casuumay, ayaa iyadana laga dhex dheehan karaa sawir kale oo sheegaya inaannu wanaagsanayn xidhiidhka xisbigaasi la leeyahay dalka Djibouti oo xubno ka mid ahi hore dhaleecaymo ugu soo jeediyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here