(mas’uuliyiin ahaan maysaan hadii bulshadiina caafimad daro lasoo gudboonaato)

0
577

(mas’uuliyiin ahaan maysaan hadii bulshadiina caafimad daro lasoo gudboonaato) Sida dhagaha madaxwaynaha mustaqbalka kusoo dhacaya waxay sheegayaan in gobolka togdheer dhaqtarkisii waynaa shaqadii uu u hayay bulshada gobolka gabi ahaanba ay istaagtay markii shaqaalaha ka howl gala ay wayeen mushaharkii yaraa ay ku shaqayn jireen, waxayna shegeen muddo 7bilood ah inaysan haynin wax mushahar ah. Hadaba waxaa la iswaydinayaa meeday mas’uuliyintii gobolka ku hawlanayd horumarinteeda. Waxaynu ogsoonahay in gobolkan uu leeyahay gole degaan iyo badhasaab, Hadaynu waxyar ka taabano golaha degaanka waxaa doortay bulshada ku dhaqan gobolka togdheer waxayna u doorteen inay wax ka qabtaan arimaha bulshada, waxayna u qaybsamaan. Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha, Nadaafarada, Wadooyinka, Beeraha. Inagoo ogsoon in intaa aan soo shegay ay hoostagaan wasaarado hadana waxay ku leeyihin ka warhayn ah inay sidii loogu talagalay u shaqaynayaan. Nolosho waa caafimad, caafimaadkana waxuu u baahan yahay in si wayn loogu shaqeeyo. Mas’uuliyinta gobolka togdher waxaan leeyahay mas’uul ahaan maysaan hadii caafimaad daro lasoo gudboonato gobolkan. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan leeyahay golaha degaanka shaqadiina yaysan ku koobnaan baloodh la jeexo ama la iibiyo ee ka warhaya dadka danyarta, hoosna u eega dhakhtarka wayn dhibaatada lasoo daristay. Badhasaabkana waxaan leeyahay ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan kugu yeedhayaa qabyatire hadaad dhakhtarka iyo madaarka burco furitaankooda ku guulaysato. Walibana shaqaalahan ka hawl gala dhakhtarkana aad u doonto mushaharkooda si dhakhtarka rajadiisa ay usoo nolaato. Waan ogsoonahay inaad tahay madaxwaynaha gobolka balse badhasaab ku ahaan maysid hadii caafimaad daro lasoo gudboonaato dadka aad mas’uulka ka tahay siyaasadaada mustaqbalkana waxay ku noqonaysaa dhabarjab wayn Talo yarna waan idin soo jeedinayaa haday idinku adkaato inaad wax ka qaban waydaan baahida dhakhtarka wayn usoo gudbiya culimada gobolka si ay bulshada ugu dhex dhacaan dhaqaalena ugu ururiyaan dhakhtarka way.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here