Wasiir Ku-xigeenka Qorshaynta Qaranka Oo Beeniyey In Rasaas Gurigiisa Lagu Riday Uu U Tuhmay Cabdillaahi Cukuse.

0
534

Wasiirkuxigeenka qorshaynta qaranka Kaysar Cabdillaahi Maxamed ayaa beeniyey warar lagu baahyey qaar ka mid ah mareegaha Internet-ka kaa soo sheegayay in Ambasaddor Kaysar iyo wasiirka xanaanada xoolaha Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) uu tuhun wayni ka dhexeeyo, sidoo kale shabakada wararka baahiya qaarkood ayaa lagu sheegay in xabad lagu riday guriga wasiir kuxigeenka qorshaynta uu wasiir kuxigeenku waa kaysare u tuhmay wasiirka xanaanada xoolaha Cabdillaahi Cukuse.

cukuse

Wasiir kuxigeenka qorshayta Kaysar Cabdillaahi oo warkaasi beeninaya ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey shir tuhun saar ahaa oo ay laba beelood oo walaalo ahi ku yeesheen Hargeysa waxaana uu sheegay in kulankasi aanu khusayn isaga iyo Cukuse, sidaasna waxa uu ku shegay war qoraal ah oo uu ku baahiyey bartiisa Faceboo-ka oo u dhignaa sidan:

Tuhun-Saar: Shirkii Dhaqan ee Xalay!

Asalaamu Calaykum

Waxaan doonayaa inaan halkan kaga hadlo maqaal been-abuur ah oo la geliyay shabakadagaaroodinews.net, dadka qaarna ay isugu sii dirdirayeen facebooga kaasoo ku saabsanaa shir dhaqan oo Tuhun saar ah oo ay isku soo horfadhiisteen laba Beelood oo walaalo ah, shirkaas oo xalay ka qabsoomay Huteelka Royal ee magaalada Hargeysa.

Shirkan Dhaqanka ah oo ay soo qaban-qaabiyeen Odayaasha Beelaha labada dhinac ee uu Tuhunku ka dhexeeyay waxa si mug leh loogaga wada hadlay Tuhun jiray, iyada oo dhinacii tuhunka laga qabayna ay si Sharaf iyo Milgo leh ay u Tuhun saareen dhinacii Tuhunka ka qabay. sidoo kalana ay Dhincii Tuhunka Qabay ay si Sharaf iyo maamuus leh ugu qanceen tuhunsaarkaas. waxaana labadii dhinac oo aad isu laab-xaadhay ay isku saamaxeen Madashaas.

Sideedaba marka aynu ka hadlayno Dhaqanka soo jireenka ah ee Ummada reer Somaliland, haddii cid tuhun loo qabsado, oo ay is tuhun bixiso, cida la tuhun saaray wax Xaal ah kama bixiso tuhunsaarkaas la tuhunsaaray. markaas may jirin wax Xaal marin ah oo tuhun-saarkaas laga bixiyay taasoo ah mid dhaqankeena ku salaysan.

Hadaba dadka warxumo tashiilka ah ee arrintan ka baayac-mushtaraynaya waxaa u haboon inay ka waantoobaan Beenta ay fidinayaan iyada oo lagu jiro Bishan ramadaan. waxaana waajib ah inay ka fogaadaan wixii kala fogaynaya Beelaha walaalaha ah.

Waxaa kale oo aan halkan ku caddaynayaa in Dawlada iyo Laamaha amaanku ay gacanta ku hayaan baadhitaanka dhacdadaas ay arrintani khusaysay.

Waad mahadsan tihiin

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here