Xukuumadda Oo Lacag Xad Dhaaf Ah Ku Rushaysay Shan Telefeeshin, Si Aanay U Baahin Wararka Lagu Diidan Yahay Heshiiska Dekeda Berbera.

0
553

Xukuumadda Somaliland, ayaa lacago tiro badan oo laalush ah waxay jeebada ugu shubtay maamulayaasha Shan Telefeeshin, kuwaas oo lagula heshiiyay in aanay baahin wararka lagaga soo horjeedo Maalin galinta Dekeda Berbera.

00000000000000000000000000000000000

Telefishanadan oo ah kuwa ku jira hawda satellite ee Thaicome 5 iyo kuwo maxali ah waxay kala yidhiin.

– Star Tv

– HCTV

– Universal Tv

– Bulsho Tv

Nidamka loo siiyey lacagtan buuran  ayaa xogaha laga helaaya waxay sheegayaan in loogu magac darayBaahinta Barnaamijka   “Heshiiska Maamulka Dekada “Berbera.  Waxaana  Telefishanadan  qaar ka mid ah sida Star-Tv oo kale uu qaatay 50% lacagtii ay xukuumada ku heshiisiyeen waxaana jira amaro ay madaxda warbaahintaasi  dul dhigeen shaqaaladooda oo ah in aanay soo duubi karin isla markaana aaanay baahin karin warar lidi ku ah heshiiska dekada Berbera .

Saxaafadda Wargayska Madaxa banaan ee ka soo baxa Hargaysa iyo Shabakadaha caanka ah ee dhinaca Internetka ayaan qayb ka ahayn heshiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here