Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Xubnaha Haldoorka Xisbiga Kulmiye Ayaa Tacsi U Diray Marxuum Ku Geeryooday Dalka india Inaa lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

0
441

Guddoomiye Muuse Biixi Iyo Xubnaha Haldoorka Xisbiga Kulmiye Ayaa Tacsi U Diray Marxuum Ku Geeryooday Dalka india Inaa lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka wakiil ah haya’adaha kale ee xisbiga ee Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe, Garabyada xisbiga, laamaha dibadda iyo guud ahaanba taageerayaasha xisbiga waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Abokor Maxamed Xaaji Xasan oo ku geeriyooday dalka India maanta oo taarikhdu tahay 06/07/2016.

Marxuum Abokor Maxamed Xaaji Xasan wuxuu ka mid ahaa odayaashii ka soo qaybqaatay halgankii dib-u-xoraynta dalka, nabadayntii beelaha iyo dhismihii dalka iyo dawladnimada Jamhuuriyadda Somaliland. Waxa kaloo Marxuumku ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga KULMIYE ee doorka wayn ka soo qaatay taabbagalintiisa.

Sidoo kale, Guddoomiyaha KULMIYE iyo Ku-xigeenkiisu waxay tacsi taa la mid ah u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland geerida ku timi Marxuumad Hodan Xirsi Warsame oo ku geeriyootay, laguna aasay magaalada Hargeysa maanta (06/07/2016), waxaanay si gaar ah uga tacsiyadaynayaan Mujaahid Maxamed Cilmi Galaan oo ay hooyadii ahayd Marxuumadda.
Ugu dambayntii, waxay Alle uga baryayaan Marxuumiintaasi inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo shacabka ay ka baxeenna samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here