Madaxweyne Axmed Silaanyo oo Tacsi Tiraanylo Leh uu Diray Eheladi Iyo Qaraabadi uu Ka Baxay Marxuum Xaaji Abokor Maxamed Xasan
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa 07/07/2016 TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Hargeisa (BurcoOnline) 07.07.2016 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xaaji Abokor Maxamed Xasan oo ku geeriyooday Maanta oo ay taariikhdu tahay 07/07/2016 dalka Hindia, isagoo in muddo ahba halkaa u jiifay xanuunkaa uu u geeriyooday. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey Oday ka baxay qaranka iyo Shacbiga Somalilandba, kana soo shaqeeyey dib u dhiskii dalka iyo nabad kuwada nolanshaha shacbiga Somaliland ku dhaqan, isagoo door muhiima ku lahaa taban taabadii iyo taabbo galkii Xisbi weynaha Kulmiye. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.