Wasiirkii Hore Ee Madaxtooyada, Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Shacbiga Somaliland Hanbalyo U Diray Munasibada Ciida.

0
465

Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan oo hadda ku sugan dhulka Barakaysan ee Makka iyo Madiina, halkaas oo uu safar la xidhiidha gudashada Cibaada rabbi ku joogo, ayaa shacbiga Somaliland ku hanbaleeyay Farxada Munaasibada Ciidal Fidriga.
000000000000
“Ugu horayn Illaahay baa mahadle bishii barakada badnayd inoogu soo dhameeyey nabadgalyo iyo nabaadiino, waxaanan dhamaan ummada muslimiinta guud ahaan iyo shacabka reer Somaliland gaar ahaan u rajaynayaa Ciid wanaagsan anigoo Alle inooga baryeya in uu acmaasheenii wanaagsanayd inaga aqbalo sidoo kalena inagu daro inta jidhkooda naarta laga xoreeyey,, Allaahuma Aamiin..
Waxaan soo dhamaynay bil cibaado oo nafta layli ugu filan sidaas darteed, waxaa inagu waajib ah in aynu sii joogtaynu acmaashii wanaagsnayd ee naftu qabatintay Insha Allah. Meel aad joogtanba ku ciida caafimaad , cafis iyo camal wanaagsan oo Allaha inaga aqbalo soonkii, salaadii iyo zakadiiba .. Amiin,,
Wa Bilaahi Tawfiiq”
Sidaa waxa yidhi Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland oo ka hadlaayay Kalmadiisa Munaasibada Ciidal Fidriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here