Ma Dhabaa In Raysal Wasaaraha Israa’iil Uu Isku Day Dil Ka Badbaaday Intii Uu Ku Sugnaa Magaalada Nairobi???

0
439

Jariirad ka soo baxda dalka Kuwait oo lagu macacaabo (Kuwait daily ) ayaa waxaa ay daabacdey in Ra’isal wasaaraha dalka Israel Benjamin Netanyahu uu a bad baaday isku day dil la rabay in lagu khaarijiyo maalintii Salaasada aheyd xilli uu ku suganaa caasimada dalka Kenya ee Nairobi.

Netanyahu-and-Kenyatta
Jariiradan oo soo xigatey qof xog ogaal ah oo ka tirsan xukuumada dalka Kenya ayaa waxaa ay intaasi ku sii dartey in la bedelay dariiqii uu mari lahaa Mr. Benjamin Netanyahu ka dib markii sirdoonka yuhuudu ka war helay in halkaasi qarax lagu sii rakibay sidoo kalana waxaa ay jariiradani ay sheegtay in laba qof oo arintaasi loo tuhmey xabsiga loo taxaabay.
Hadaba warkan ayaa waxaa si toos ah ay qaar ka mid ah saxaafadu ay u weydiisay ra’iisul wasaaraha Israa’il Benjamin Netanyahu waxaana la sheegay in oo su,aashani si cadho leh uga jaawabay isla markaana uu sheegay in aanu waxba ka ogeyn.
Natanyahu ayaa ku guda jira Gunaanadka Safarkiisii uu ku Marayay Afar dal oo ku yaala Qaaradan Africa isagoo haatan ku Sugan Magaalada Addis ababa ee Xarunta Ethiopia,Isla markaana Hore u soo maray dalalka Uganda, Ruwanda, Kenya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here