Warbaahinta Oo Heshay Halka Ay Salka Ku Hayso Kooxo Dhalinayaro Ah Oo La Sheegay Inay Aaminsan Yihiin Afkaaar Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Oo Dhawaan Magalada Hargeysa Lagu Arkay

0
439

Warbaahinta Oo Heshay Halka Ay Salka Ku Hayso Kooxo Dhalinayaro Ah Oo La Sheegay Inay Aaminsan Yihiin Afkaaar Liddi Ku Ah Diinta Islaamka Oo Dhawaan Magalada Hargeysa Lagu Arkay

Muddooyinkii u danbeeyey waxa dadyowga soomalida si weyn ugu dhex fidiya aragtiyo iyo afkaaro ku dhisan ururo xag-jiir ah oo gaalo iyo muslimba leh qaarkoodna ku cusub yihiin geyiga ay dagaan.ummadaha somalidu sida ururada diin lawaayaasha ah ee dunida ka hawl gala ee ay kamid yihiin Maasuuniyadda iyo Illuminati oo in badan oo Somali ah saameeyey.

Todobaadkan waxa caasimada Somaliland ee hargeysa s wayn looga hadal hayaa saxaafada qaarkeedna baahisay warar sheegaya dhalinyaro ka baxday diinta islaamka,balse xaqiiqadu sidan ka duwan taha.

Wargeyska Foore oo isku dayay inuu u kuur galo xaaladahaasi waxa u suurta gashay in uu wax ka ogaaado oo ay jiraan dareeno culus oo la xidhiidha dad badan oo lagu arkay fikrado kasoo horjeeda diintena islaamka kuwaasi oo ay udub dhaxaad u yihiin dad wax kasoo bartay dalalka dibada iyo hay’addo qarsoodi ah oo fikirkaasi dhiirigaliya balse aanay wali jirin dad si cad u sheegtay inay uga baxeen.

Mid kamid culimadda Somaliland oo magaciisa ka gaabsaday in aan halkan ku xusno kana mida dadka badhitaanada ku sameeya arintaasi xasaasiga ah ayaa wargeyska Foore u sheegya inay isa soo tarayaan mudooyinkan danbe dadka aamisan aragtiyo diinta islaamka ka fog oo inta badan u jen-jeedha aragtiyaha ku dhisan caqliga ah iyo kuwo saqaafadeed ee aan salka ku lahayn aaminsanaanta diinta,taasoo kasoo burqanaysa kooxo ku xidhan jihooyin qarsoodi ah oo u jen-jeedha dalalka reer galbeedka.

Fikirka ay kamid yihiin kooxaha aaminsan aragtida uu qabo ururka qarsoodiga dunida kaga hawl gala ee The Illuminati ayaa kamid ah aragtiyaha sansaantoodu kasoo muuqanayso qaar kamida dhalinyarada dhawaan lagu arkay caasimada hargeys oo doodaha ay qabaan si cad bulshada uga dex fidinayay.

Waa Maxay Aragtida Ururka The Alluminati?

Ururka Alluminati o oaf-carbeedka loogu yeedho Tanwiiriyiin waxa la aasaasay sanadkii 1776-dii, waxaanu ururkani ka aasaasmay markii u horeysay gobolka Bavaria ee wadanka jarmalka waxaanu ku fiday dunida, waaa dhaqdhaqaaq aragti saqaafadeed ku dhisan oo caqliga adeegsanaya hadii ay diin dadku ku aamini lahaayeen waxa algu tilmaamaa ururka ugu khatarta badan aduunka eee u habaysan qaab la yaab badan oo qarsoodi ah .

Inkaste oo aanu ururkani waligii sharciyad jiritan oo rasmi ah ka helin dawlada jarmalka oo aan si rasmi ah loo aqoonsanayn oo uu qarsoodi yahay hadana waxa uu soo saaray ururkanu oo xubno ka ahaa rag badan oo markii danbe dalka jarmalka siyaasiyiin can ah ka noqday, ururkani waxa xubno lagag nooqn karaa oo ugu muhiimsan shuruudihiisa kamid ahaansho in aanu qofku habyaratee aaminsanayn wax diin ah oo uu noqdaa qof diin laawe ah (Mulxid).Ujeedooyinkiisa ugu waa wayni waa in xubnaha kamid noqonayaa noqdaan kuwo aan diin haysan oo u halgama hamiga ururka oo ah in lala dagaalamo gabi ahaanba diimaha samaawiga ah ee soo dagay intii aduunyadu jirtay.

Ilaa maanta ururkani waa shaqeeyaa oo dunida ka hawl gala isaga oo fulinaya ujeedooyinkiisa waxaana ku xidhan oo maalgaliya rag Abadan oo maalqabeeno ah oo aaminsan mabaa’diida uu u taagan yahay ururkani ee ah dunida lagala dagaalamo aaminsanaanta diimaha samada laga soo dajiyey ee ay xambaarsanaayeen ambiyadii kala danbaysa.

Ururkani waxa uu saamayn wayn ku leeyahay qararaadka iyo ujeedooyinka qaar badan oo kamid ah xukumaddaha aduunku isaga oo si qarsoodi ah oo toos ah saamayn wayn ugu leh go’aan qaadashadooda iyo hawlgalkooda siyaasadee, waxa kala oo laga ogaaday in ururka Illuminiti ay xubno ka yihiin qaar kmida dadka ugu caansan aduunka sida fanaaniinta, ciyaartooyada,jilayaasha filimada iyo siyaasiyiintu. Sidoo kale ururka Illuminiti waxa uu maamulaa oo saamayn wayn ku leeyahay inta badan warbaahinta aduunka,silimooyinka aflaamata lagu soo bandhigo agabka caruurta lagu ciyaarsiiyo iyo hay’addo badan oo dunida hab sama-fal uga shaqeeya.

Maxaa Ka Jir Dhalinyaradda La Sheegay In Ay Diinta Ka Baxeen?

Ma jiraan wali dad si cad u sheegtay inay diinta islaamka uag baxeen oo Somaliland ku sugani, balse waxa isa soo taraya kooxaha aaminsan fikradaahasi aan soo sheegnayoo bulshada ku dhex jira,inta badana qaar kamid ah doodahooda lagu arko iyaga oo ka faafinaya baraha xidhiidhka bulshada ee internet-ka iyo goobaha lagu kulmo balse aan cadaysan inay diinta ka baxayaan ama ka baxeen,iyaga oo dadkuna jahawareer ka qaadeen kooxahan la sheegay inay si cad diinta uga baxeen oo aan laga hayn xogo cad oo dhaba.

Dhinaca somalida Kenya waxa sanadhii ugu danbeeyey si cad usoo kordhayay dadka somalida ah ee qaadanayay diinta Kiristaanka,halka dalka somaliya ee aynu jaarka nahay ay aad ugu soo badanayeen dadka qaba afkaarta ay kamid yihiin Shiicadaa,Takfiiriiyinta,iyo kuwo kale oo xagjir ah ee islaamka ahi aad ugu fidayeen, iyada oo dhinaca Somaliland arinku sidaasi ka sahlan yahay oo kaliya ay Somaliland ka jiraan kala duwaanshaha dhinaca xarakaadka islaamiga ah iyo firqooyinka diintu afooyinkaasi dallaka jaarkeena ah ka jiraana in badan aynu ka badqabno

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here