Khamiis Ilaa Ka Khamiis : Madaxwayne Siilaanyo Safarkiisa Maxaa War Laga Hayaa?.

0
458

Khamiis Ilaa Ka Khamiis : Madaxwayne Siilaanyo Safarkiisa Maxaa War Laga Hayaa?.

Maanta wa maalintii sideedad ee madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ku maqan yahay safar gaar aha oo uu ugu baxay dalka turkiga. Wuxuu baxay khamiistii todobaadkii hore, madaxtooyada ayaa safarka madaxwaynaha ku sheegtay inuu yahay mid gaar ah,markii uu dalka turkiga habeen joogay waxa ka dhacay inqilaab fashilmay,

waxaanay bulshada Somaliland wax iska waydiisay xaalada madaxwaynahoodii dalkaasi xasaradu ka oogantay joogay, laakiin madaxtooyada ayaa war kooban o ay soo saartay waxay ku sheegtay in madaxwaynuhu nabad qabo, kuna sugan yahay magaalo ka fog magaalooyinka lgu loolamayay.

Hase’yeshee waxii markaasi ka danbeeyey ma jiro wax war ah oo laga helay madaxwaynaha iyo qoyskiisa oo la socday Waxaanay bulshadu goobaha warbaahinta kusoo dirtay su’aalo badan oo la xidhiidho in wax war ah laga hayo madaxwayne Siilaanyo iyo xaaladiisa.

Haddaba waxa uu wargeyska geeska Africa la waraystay afhayeenka madaxtooyada Somaliland Mr Cabdiraxmaan Shamax si uuga jawaabo su’aalaha ay umaddu waarbaahinta soo waydiinayso. Wargeysku waxa uu afhayeenka waydiiyay wuxuu madaxwaynihii dalka war ka hayo waxaanu afhayeenku ku jawaabay.

“Odaygu (Madaxwaynaha) meel kale ma joogo ee halkii aynu ku ogayn oo turki ah ayuu joogaa waanuu soo tabaabushaynayaa waaana uu inagu soo socdaa hadii alle yidhaa waanu inagu soo naqonayaa, caafimaadkiisa iyo wax walbana waa caadi aniguna waanigii odhan jiray madaxwaynuhu hawsha ayuu ka yara nasayaa ee waa caadi”.

Afhayeenka waxa uu wargeysku waydiiyay inuu ka jawaabo dareenka bulshadu qabto ee ah xaalada caafimaad ee madaxwaynaha, waxaanuu yidhi.

“inga waxa la inagu balamay inay tahay macno nasasho uune caafimaad maanu ogayn manaan sheegin,marna maanan sheegin, la inooma baahin aniga la iima sheegin waanuu nabad qabaa caafimaad qabna wuu ku tagay caafimaad qabna wuu ku imanayaa hadii alle yidhaa”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here