Ogaysiis: Shirka Qurbajoogta Gobolka Togdheer oo ka Dhici Doona Magalada Burco 30/7/2016 Sacada 7,30 Habenimo Madaxtooyada Burco

0
388

Ogaysiis: Shirka Qurbajoogta Gobolka Togdheer oo ka Dhici Doona Magalada Burco 30/7/2016 Sacada 7,30 Habenimo Madaxtooyada Burco

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Adan iyo Maayarka Magaaladda Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan iyo Golihiisa deegaanku, waxay ogaysiinayaan qurbo-jooga gobolka Tog-dheer, inay ka soo qeyb galaan shirkii saddexaad ee qurbo-jooga Togdheer oo lagu qaban doono Madaxtooyada Burco 30/07/2016-ka Sacada 7,30 Habenimo.
Shirkan oo sannadkan loo soo agaasimay jawi heerkiisu sareeyo isla markaana si toos ah (Live) uga bixi doona qaar ka mid ah TV-yadda dalka. Waxa lagu soo casuumay Wasiirro iyo saraakiil sar-sare oo ka tirsan dawladda Somaliland iyo dhammaan daneeyeyaasha horumarinta Magaaladda Burco iyo guud ahaan Togdheer. Waxa si qoto dheer loogu daraasayn doonaa mashaariicda horumarineed ee gobolka Tog-dheer.
Waxaa Habenka jiri doona Casho iyo madadaalo soo bandhiigi doonan abwaano iyo fanaanin daljoog iyo qurbajoog leh.

Waxaa lagu Wargalinayaa Ka soo qeyb galayaasha in ay Ilaaliyaan Wakhtiga uu Shirku Bilaabmayo oo ah 7:30pm Habeenimo Madaxtooyada Burco .30/07/2016

Wixii Faahfaahina iyo isdiwangelinta Kala Xidhiidh Xafiiska Qurbajoogta Togdheer Diaspora Centre Najax Cabdi Diriye Telefoonada ”0634435298,7332244

Waxad kalo la xidhiidhi karta iska diwangelin karta
Gudoomiyaha Guddida Qaban Qaabada Xafladda Qurbajooga Togdheer Xildhibaan Mubaarik Yuusuf (Bidhi)
. Email:bidhi69@gmail.com Tellifoon ‘ 0634240409 ,063 4774223. Somtel”0659222248

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here