Masuul Xukuumadda Ka Tirsan Oo Dawladda Itoobiya U Diidey Dal Ku Galka (Fiisaha) Ingiriiska Kadib Markii Lagu Eedeeyey Inuu Xuquuqda Xayawaanka Meel Kaga Dhacay

0
480

Dawladda dalka Itoobiya ayaa fiisaha ama dal ku galka ingiriiska u diiday masuul ka tirsan xukuumadda Somaliland oo dhowaan u tagay magaalada Addis Ababa inuu helo dal ku galka ingiriiska.

pets-dogs
Maayirka Boorama Maxamed Xuseen Maydhane oo ah masuulka fiisaha loo diiday ayaa ay dawladda Itoobiya ku eedaysay inuu meel kaga dhacay xuquuqdii xayawaanka kadib markii uu Ey k gubay magaalada Boorama ee gobolka Awdal.
Maxamed Xuseen Maydhane,Maayirka Boorama oo ka warbixiyey sababta ay dawladda Itoobiya ugu diidey dal ku galka Ingiriiska ayaa sheegay inay ku eedayasay inuu meel kaga dhacay xuquuqda xayawaanka, balse waxa uu isagu ku dooday inuu ilaalinayay xuquuqda aadamaha iyo nabadgalyadooda.
Maayirka Boorama oo arrinkaas ka warbixinaya ayaa si kooban uga hadlay dhacdadan waxaana uu yidhi:
“Beentu been ma gaadho xaqiiqda ayuunbaana dhab ah fiise ayaan Addis Ababa u doontay dambi aan Itoobiya ka galayna ma jirin masuul qaran oo fiise doontayna waan ahaa, xuquuq bini aadam ayaanu bad-baadinaye ninka xuquuq xayawaan u doodayaa marka la eego bini aadamka iyo xayaawanka bini aadamka aya bad-baadada leh waanad ogayn in islaanta iyo hilibka iyo eyga inay wax ka qabasho u baahnayd dee nin taas dambi ka dhigayaa isaga ayaan habeen loo hoyan ayaan leeyahay”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here