Warbixin:Madal Miiqaam Leh Oo Lagu Soo Dhaweeyey Qurba Joogta Gobolka Togdheer +Mudanayaal Lagu Maamuusay Oo Mijaxaabiyey Xaflada Lagu Martiqaaday.

0
609

Warbixin:Madal Miiqaam Leh Oo Lagu Soo Dhaweeyey Qurba Joogta Gobolka Togdheer +Mudanayaal Lagu Maamuusay Oo Mijaxaabiyey Xaflada Lagu Martiqaaday.

Habeenimadii Xalay Waxa Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Lagu Qabtay Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Soo Dhaweynayey Qurba Jooga U Dhashay Gobolka Togdheer Ee Sanadkan Ku Soo Noqday Gobolka.

Munaasibadan Oo Ahayd Mid Si Heersare ah Loo Soo Agaasimay Isla Markaasina Ay Ka Soo Qaybgaleen Xubno Ka Mid ah Golaha Wasiirada Somaliland Oo Ay Ka Mid ahaayeen Wasiirka Hawlaha Guud Iyo Guriyeynta Cali Xasan Maxamed Cali Mareexaan Iyo Wasiiru Dawlaha Wasaarada Qorshaynta Maxamud Galaal.

Munaasibadan Oo Lagu Martiqaaday Xubno Badan Oo Ka Mid ah Wasiirada Xukuumada Ee Ka Soo Jeeda Gobolka Togdheer Ayaa Waxa Ka Muquurtay Qaar Ka Mid ah Wasiiradaasi Iyaga Oo Aan Wax Codsi ah Oo U Diidaya Arrintaasi Soo Dhiiban Waxaana Xubnahaasi Ka Mid ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Cismaan Saxardiid Cadaani Iyo Sidoo Kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Arrimaha Dibada Labadan Mudane Ayaa Si Karaamo Leh Loogu Martiqaaday Madasha Lagaga Hadlaayo Horumarka Gobolka Togdheer Isla Markaasina Qurba Joogta Loogu Dhiirigelinaayo Sidii Ay U Maalgashan Lahaayeen Gobolkooda.

Dadweynaha Reer Burco Iyo Guud ahaanba Qurba Joogta Oo Filanaayey Inay Si Toos ah Isu Arkayaan Wasiiradooda Ka Soo Jeeda Gobolka Isla Markaasina Ay Si Qoto Dheer Uga Wadahadli Doonaan Baahiyaha Gobolka Iyo Wixii Qurbajoog,Masuuliyiin Iyo Dadka Gudaha Joogaba Isla Qaban Karaan Ayaa Hamigaasi Ay Hirgelin waayeen Xubnaha Wasiirada ah Ee Badhi Furay Balantii Badhaadhaha.

Keliyaata Waxa Si Maamuus Iyo Milgo Ku Dheehantahay Munaasibaadi U Soo Karaameeyey Wasiir Cali Mareexaan Iyo Wasiirudawlaha Qorshaynta Qaranka Kuwaasi Oo Muujiyey Macnaha Ay Huwantahay In Qurba Joogta Lagu Dhiirigeliyo Maalgashiga Dalka Waxaana Dadweynaha Reer Burco Si Weyn U Soo Dhaweyeen Wasiiradaasi Sida Sharafta Leh U Muujiyey Kalgacalka ay U Qabaan Gobolkooda Taasi Oo Ay Abaal Ugu Hayaan Reer Burco Madax Iyo Shacaba.

Munaasibadan Xalay Qabsoontay Ayaa Ahayd Mid Si Quruxbadan Loo Soo Qaban Qaabiyey Taasi Oo Si Weyn Loogu Ammaanay Qabsoomideeda Iyo Qabanqaabinteedaba Xildhibaan Mubaarig Yusuf Cilmi Bidhi Isla Markaasina Shahaado Qiimo Badan Loogu Maamuusay Oo Aan Hore Looga Bixin Gobolka Togdheer Taasi Oo Uu Maayirka Burco U Gartay Xildhibanka.

Sidoo Kale Waxa Isagana Halkaasi Shahaado Sharaf Ka Turjumaysa Horumarka Uu Dalka Iyo Dadkaba U Qabtay Lagu Gudoonsiiyey Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed Mareexaan.

Dhankooda Waxa Munaasibadaasi Si Weyn Uga Dareen Celiyey Qurba Joogta Madasha Ka Soo Qaybgashay Waxaana Ay Si Hami Horumrineed Iyo Hamuun Waxqabad Ku Dheehan Tahay U Sheegeen Inay Ka Qaybqaadan Doonaan Dhismaha Iyo Horumarka Gobolka Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here