Wasiir Warancade Oo Wada Dhaqdhaqaaqyo colaad abuur Ah Oo Colaad Lagu Hurinaayo Beelaha Wada Dega Degmada Cusub Ee Balli Mataan

0
497

Wasiirka wasaarda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancade ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq uu doonayo inuu ku fashilo go’aankii Madaxwaynaha Axmed Siilanyo uu ugu dalacsiiyay tuulada Bali mataan degmenimo,

isla markaana uu colaad uga dhex abuuri lahaa beelaha wada dega degmadan cusub. Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay islamarkaana ka agdhow wasiir warancade ayaa qaar ka mid ah saxaafada u xaqiijiyay in wasiir warancade maalmahan ba ku fooganaa hubaynta maleeshiyaad beeleed wasiir warancade abaabulay si uu colaad uga dhex abuuro beelaha walaalaha ah ee wada dega degmadan cusub ee Bali Mataan.

Wasiir Warancade oo wasaaradiisu masuul ka tahay degmooyinka dalka ayaa ka baaqday inuu ka qayb galo xaflad Dorraad Sabtidii loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan gobolka Maroodijeex  taasoo uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u dallacsiiyey degmo nimo iyada iyo lix degmo oo kale.

Ilo wareedyadan ayaa waxa kale oo ay u xaqiijiyeen saxaafada in wasiir Warancade ku fooganaa hubaynta iyo abaabulida maleeshiyaad beeleed isaga ka amar qaata kahor intii aan la qaban xafladii loogu wanqalayay degmada Bali Mataan iyo labadii maalmood eek a dambeeyay xafladaa wanqalka degmada cusub ee Bali Mataan.

Dhaqdhaqaaqyada colaad abuurka ah ee wasiir warancade ka wado degmada Bali Mataan ayaa waxa cadayn u ah isagoo wasiir Warancade ka bilaabay degmada Bali Mataan dhismaha laba qol oo uu doonayo inuu xarun uga dhigo degmo cusub oo uu damacsanyahay inuu ka garab yagleelo degmada Bali Mataan, isla markaana uu isku dhac hubaysan uga dhex abuuri lahaa beelaha wada dega degmada Bali Mataan.

Saanadahan hubka ah ee wasiir warancade ku hubeeyay maleeshiyaadka ay isku beesha yihiin ayaa ah saanad hub ah oo wasaarada arrimaha guduhu leedahay isla markaana ah hubkii qarankan lagu difaaci lahaa.

23D10B70-0787-4FD1-ABE0-E7A358317845_mw1024_mh1024_s

Waxa kale oo ilo wareedyada lagu kalsoon yahay intaa ku dareen in Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuiyada Somaliland, Ismaaciil Shaqale uu ka war hayo dhaqdhaqaaqyada colaada sokeeye uu ku abuurayo wasiir warancade.

Mar aanu isku daynay in aanu la xidhiidhno Taliyaha ciidanka Qaranka Ismaaciil Shaqale ayaanay noo suurto galin telefoonkiisa gacanta oo xidhnaa awgii, waxaase la filayaa maalmahan soo socda in Taliye Shaqale ka war bixiyo dhaqdhaqaaqyada colaad abuurka ah ee wasiir warancade ka wado degmada Bali Mataan iyo deegaanka ku hareeraysan.

Wasiir Warancade ayaa uga gun leh dhaqdhaqaaqyadan uu wado sidii uu colaad uga dhex dhalin laha labada beelood ee wada dega degmada Bali Mataan isla markaana colaadaasi ay u horseedi lahayd inay dib u dhacdo doorashooyinka madaxwaynenimada iyo baarlamaanka oo u qorshaysan horaanta sanadka soo socda inay ka qabsoomaan jamhuuriyada Somaliland.

Xigasho Hubaal

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here