Raysal Wasaarihii Hore Ee Dalka Kenya Raila Odinga Oo Soo Jeediyay Inay Kenya Ciidamadeeda Kala Baxdo Soomaaliya.

0
497

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga ayaa ugu baaqay dawladda dalkiisa inay la timaado jadwal cad oo ay kaga baxayso Soomaaliya.

CCBDD7C8-1A61-4AB0-B7EF-0B3E23DF33D4_cx0_cy5_cw0_w987_r1_s_r1

Odinga ayaa sheegay in loo baahan yahay in cidamada Kenya lagu soo celiyo xadka islamarkaana ciidanka Kenya ay ku koobnaadaan inay tasiilaad siiyaan ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

Ciidamada Kenya ee jooga Soomaaliya ayaa qeyb ka ah howlgalka Amisom ee caawinaya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Odinga ayaa arrintan ku sheegay waraysi uu VOA ku siiyey magaalada Philadelphia oo uu kaga qaybgalayey shir uu qaban qaabiyey Machadka Diqmoraadiyadda Maraykanak NDI.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here