Wafti ay Hoggaaminayso Marwada Madaxweynaha oo saaka Jarmaade ku galay Berbera iyo ujeedada Socdaalkooda oo laala xidhiidhiyey inay Cali Xoor-xoor ka dhiraan-dhiriyaan saxeex Dp World ku Xidhay la wareegista Dekeda.

0
494

wararka laga helaayo xarunta gobolka Saaxil ayaa sheegayaa inay saaka Jarmaade ku galeen wafti ay hoggaaminayso Marwada Madaxweynuhu Aamina Maxamuud Jirde,

taasoo ujeedada socdaalkeeda lagu sheegaay sidii ay Maareeyaha Dekedda berbera Cali xoor-xoor ugu sanduleyn lahayd inuu saxeexo heshiiska dhaxal wareejint Dekedda oo uu ka gaws adaygay.
Marwada ayaa la sheegay inay safarkan ku weheliyaan Inaan ay dhashay iyo Xubno wasiiro ah iyo weliba Wiilka ay sodohda u tahay ee Safiirka Imaaraadka carabta md. Baashe Cawil. Waxana la sheegay inay Shirkadda Dp world fulinta heshiiska ay la gashay Xukuumadda shuruud uga dhigtay inuu saxeexo Eng Cali xoorxoor.
Waxana la filayaa inuu saaka qalinka ku duugo maareeyuhu hedhiiskaa iyo inuu ka muquurto. Si kaataba ha ahaatee waxa maalimihii u danbeeyey ay isku mari waayeen wada xaajood Xukuumaddu la gashay muruqmaalka dekedda kuwaasoo dalbaday xuquuqdoodii in la siiyo maadaama oo ay xukuumaddu ka wareejinayso dekeddu kuna shaqo beelayaan, arrimaha iyo kuwo kaloo kasii darana ayaa ku gadaaman wareejinta dekedda, taaasina waxay sabaabtay in shirkadda dp World sameysay dib u guraasho iyo hakad ku yimi dhameyatirka heshiiska qabyada ahaa. Waxa kaloo kamid ah hakadka galay dhameyatirkaa heshiiskaa mudo xileedka Xukuumadda oo gabaabsi ah una hadhay lix bilood wax aan ka badnayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here