Diyaaradaha Dagaalka Ee Ingiriiska Oo Duqeeyay Madaxtooyadii Hore Ee Saddam Hussein.

0
378

Diyaaradaha dagaalka UK ee loo yaqaano RAF ayaa duqeeyay madaxtooyadii hore Saddam Hussein uu ku lahaa magaalada Mosul ee waqooyiga Ciraaq.

Wasaaradda Difaaca UK ayaa sheegtay in xarunta ay kooxda la magac baxday dowladda Islaamiga ee IS u isticmaalayeen tababarka dagaalyahanada Ajaaniibta.

Diyaaradaha UK ayaa ka hor inta aysan duqeyneyn waxay sameeyeen howlo sahmin iyo basaasid, iyadoo illaa afar gantaal lagu garaacay dhismahaas.

UK ayaa ka mid ah isbaheysiga uu hoggaamiyo Mareykanka ee duqeynta ku haya goobaha Kooxda IS ku xooggan tahay ee Ciraaq iyo Suuriya.

Magaalada Mosul ayaa ah magaalada labaad ee ugu weyn Ciraaq, tan iyo bishii June ee sanadkii 2014 Kooxda IS ayaa gacanta ku heysay magaaladaas.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here