Halka Ay Marayso Qaban Qaabada Shir Beeleedkii Siyaasiyiinta Buubaa Iyo Axmed Mire Ka Mid Ahaayeen Ay Ku Dhawaaqeen Iyo Arimaha Lagu Wado In Lagaga Hadlo.

0
431
Siyaasii Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa” ayaa ka waramay qaban qaabada shirka ay doonayaan inay qabsadaan beelaha Garxajis iyo sida uu arko aragtida taban ee gudoomiyaha xisbiga UCID ka bixiyay.Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre “Buubaa” oo waraysi gaara siiyay wargeyska Geeska Africa ayaa ka hadlay cadaadis la sheegay inay xukumaddu saartay sidii aan loo qaban lahayn shirkaasi,balse waxa uu tilmaamay in qaban qaabada shirkaasi ay gacanta u galiyeen madax-dhaqameedka ilaa haddana aan wakhti loo qaban.

Siyaasi Ismaaciil Buubaa oo ka hadlaya wakhtiga shirkaasi la qabanayo ayaa hadalkiisa ku bilaabay sida tan.

“Shirkaasi lama odhan dib ayuu u dhacay mana maqal wakhti uu dhacayana lama sheegin, gudidii dhaqanka ee loo saaray arintaasi wali war nagumay soo celin wakhti loo qabtayna ma jirto” sidaas ayuu yidhi Ismaaciil.

Ismaaciil Bubaa oo aan wax ka waydiinay cadaadiska la sheegay in xukuumaddu saartay qabashada shirkaasi ayaa waxa uu ku jawaabay

“Beeluhu waa kuwaas wada shiraya ee meel kaste lagu shirayo oo waxba kuma jabna laakiinse waxa loo shiraya waa maxay? Hadii uu yahay wax danaha umadda dhibaato u gaysanaya halaga fiirsado laakiin hadii uu yahay shir wax hagaajinaya ilama aha in wax dhibaato ahi ku jiraan, aniguna ma filayo wax dhibaato ah oo shirkan umadda ugu jira inay kasoo bixi doonaan wanaag mooyee”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay sida ay la tahay aragtida uu gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ka bixiyey shirkaasi ayaa waxa uu yidhi.

“Qofku xaq buu u leeyahay cidna afka la qaban maayo lamana cabudhinayo, hadii uu isagu Faysal Cali Waraabe sidaas u arko shirkan dad badan oo kalena si kale ayay u arkaan ,waana dimuqraadiyad,qofna afka ma qaban karo qof kale, laakiin waxa fiican in wixii wanaagsan laga wada shaqeeyo”.

Sidoo kale mar aanu siyaasi Ismaaciil Buubaa waydiinay in ujeedada shirkaasi ay u qabanayaan tahay sidii ay beelaha shirayaa u taageeri lahaayeen xisbi kaliya ayaa waxa uu ku jawaabay

“Ma jecli runtii inaan ka hor dhaco,shirkan dad dhaqan ayaa loo saaray waxaanuu shirkani ku hawlan yahay wanaaga iyo wax wada qabshada, arimaha siyaasadana waa loo iman doonaa oo wakhtigooda ayaa la gaadhi doonaa sidaas ayaanay arintu madax-dhaqameedka gacantooda ugu jirtaa oo aanay siyaasiyiinta ugu jirin”Sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay siyaasi Ismaaciil Buubaa.

 

Xigasho Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here