Agaasimihii Hore ee Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda Maaliyadda Oo Eedaymo U Jeediyey Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Saaxil Ee Xukuumadda Ku Jira

0
397

Agaasimihii hore ee Cashuuraha Beriga Somaliland Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye Ayaa Ka hadlay Mudaharaadada Maalmahan Danbe ka socday Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil oo uu sheegay Inay Ka degi layihiin Siyaasiyiin uu sheegay inay ku cusub Tahay Masuuliyadu Kuwaasi oo Shacabka iyo Xukuumada Iska Horkeenaya

Cabdiraxmaan Jibriil Ayaa Sidaasi ku Sheegay Shir Jaraaid uu ku Qabtay Magaalada Hargaysa Waxaana uu intaasi ku Daray in Masuuliyiinta xukuumada Ugu Jira Gobolka Saaxil Aanay kazoo bixin isla markaana ay ku fashilmeen Xilkii xukuumadu u igmatay ee ahaa isku soo dhoweynta Shacabka Gobolkaasi iyo Xukuumada iyadoo la daminayo Mudaharaadada iyo Kacdoonada yaryar ee Aan meel sii gaadhsiisnayn.

 

 

Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye oo Arimahaasi ka Hadalaya Waxaa uu Hadalkiisa ku Bilaabay “Gobolkan saaxil ee Cilinkiisa La Saari Layahay Horta Ma la lays waydiiyay Waxa ay Dadka deegaanku Ka Cabanayaan,Waayo Xaqiiqdu waxaa weeye Hadii aan dadka Runta loo sheegin oo sidii dawladii siyaad Barre Been dhegaha loogu qabto lana yiraahdo Dalku Iskufilnaansho ayuu gaadhayaa,Batrool iyo Macaadina dibadaynu u dhoofinaynaa Waxba Keeni Mayso Waxay ku danbaynaysona waa la Ogyahay.

Hadaba Shacabka gobolka saaxil iyo Xukuumada Waxaa Isku xidhi waayay Masuuliyiinta Siyaasada u Qaabilsan Gobolka hadii ay yihiin Wasiiro,ku xigeeno,Agaasimayaal iyo Xubno xilal kale hayaba kuwaasi oo xukuumadana been u sheegaya isla markaana aan laga karayn Shacabkii Waxaas iyo Waxaas Bay ka cabanayaan ee Bal ka taliya

Hadaba waxaan soo jeedinayaa Hadii la doonaayo in Dadka la dejiyo Hala Waydiiyo waxa ay ka cabanayaan ee yaan lagu dayin xadhig,cagajugleyn iyo wax la mid ah,yaan loola tagin tii siyaad bare oo kale ee uu gobolada waqooyi saaray ee hada Somaliland waayo cid kastaa waa ay ogtahay wixii ka dhacay dadku waa dadkiinii Afka lagu hadlo Barta Ileen Ajaanib Maahee,Ta kale waa in wax laga qabtaa dadka siyaasiyiin isku sheega ah eek u fashilmay isku xidhka Xukuumada iyo Gobolka Saaxil,marka laga reebo Cali Xoorxoor oo aan qabo inuu lafdhabar u yahay gobolka saaxil xukuumaduna way ogtahay waxa uu Hayo,Taasi bedelkeedana Xukuumaduna ha iska dayso Dhagaysiga Kuwan aan marnaba ka bixin MAdaxtooyada ee markasta beenta uun ka dhuraaya Madaxtooyada iyo Hawlkwadeenadooda oo siyaabo kala gedisan ugu maxaafsada Magaca Madaxtooyada iyagoon marnaba ka shaqayn shaqooyinka loo igmaday waxaana ay ka sheekaynayaan qof kale shaqadiisa oo ay wad wadayaan oo ay been ka sheegayaan waxaana ay ahayd in badka lagu kala saaro CVgiisii hore iyo intuu Maamul dawladeed soo qabtay iyo welibana waaya agarnimadiisa Laakiin Maaha in qaar laga soo kaxeeyey Maqaaxiyaha iyo Madaxtooyada halkii ugu Sareeyey la geeyo dhibtaas ayaa jirta.

Qodobada Markhaatiga ah ee aan kusoo gunaanadayaa waxaa weeye iyadoo shalay oo kale la xukumay 8 qof isla markaana ay mudaharaado ka dhaceen sheikh,berbera iyo Burco Ma ahayn in madaxweynaha intaa la kaxeeyo lagu dheho Kaalay oo Wadooyin Soo Fur Ama Dhagaxdhig Samee,Siyaasad Xumaanta Rakaabka Halkaas Marayay ee madaxweynaha Kaxeeyey maysan odhan waar bal 7 maalmood aynu dib u dhigno,Taasi waxay inoo cadaynaysaa kuwii ogaan lahaa ee u sheegi lahaa Madaxweynaha laba cisho ama sadex cisho dib inoogu dhiga Haba la diido toodee inay wax kale wadaan Waxayna ku tusaysaa khibrad la’aan siyaasadeed oo meesha ka jirta

kuwii khibrada Lahaa meeshay degayeen ee Abdaal way Mustafeeyeen,Habeenkiiba kuwii Beenta shubi jirayna Waa ta meeshoodii Ay mudaharadaadu ka dhaceen sida Lafaruug,Sheekh iyo Dacarbudhuq markaasay welibana been la daba socdaan Madaxtooyada oo weliba laga dhagaysanayaan,Waxaan kusoo Afmeerayaa Waxan socdaa way fudud yihiin sida ay ku dhamaanayaan ee Xukuumadu Ha Saxdo Waxbaa Ka Qaldane oo Shacabka Cabashadooda Ha u dheg dhigto Hadii kale xaalku wuxuu ku danbaynayaa Caws Baasiin lagu Daadiyay oo Kabriidna Lagu Qabtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here