Bilawga Diiwaangalinta Sool, Dadka Gobolkaas Oo La Filayo Inay Doorkan Cududooda Muujiyaan Iyo Heshiiskii Awrgboogays Oo Yidiidiilo Geliyey Beelaha Dhulbahante

0
500

Wafti balaadhan oo ka socda kooxda Khaatumo ee uu hogaamiyaha ka yahay dagaal ooge Cali Khaliif Galaydh ayaa soo gaadhay magaalada Caynaba ee xarunta gobolka Saraar galinkii dambe ee shalay.

Wararka ka imanaya xarunta Saraareed ee Caynaba ayaa sheegaya in waftigan ay ka mid yihiin, xubno wasiiro ah oo maamulka Khaatumo ka tirsan, xildhibaano, madax dhaqameed iyo xubno kale oo magac ku leh deegaanada ay ka soo jeedaan.

 

Awrboogays-Saxiix-1

Wafdigan ayaa waxa hogaaminaya labo wasiir, labo Xildhibaan oo ka tirsan maamulka Khaatumo,  Jiif caaqil iyo Mid ka mid ah Odayaasha reer Buuhoodle.

Liiska Magacyadda iyo Xilalkoodda,ayaa waxa yihiin sida tan:

Wasiirka arrimaha gudaha ee Maamulka Khaatumo,Kayse Cabdi Yuusuf,  horena u ahaa wasiir-dawlihii nabadaynta Goboladda Berri ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

  1. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Khaatumo,Mr.Shabac

  2. Xildhibaan Yaasiin Axmed Sulub

  3. Xildhibaan BAAYAR

  4. Jiif Caaqil Axmed Cumar Caydh-boob

  5. Oday Xariir oo ka tirsan odayaasha reer Buuhoodle.

Ujeedada waftigan ka socda maamulka magac u yaalka ah ee Khaatumo ayaa lagu sheegay inay wadahadal la furaan xukuumadda Somaliland oo ay in muddo ah ka soo horjeedeen sida uu xaqiijiyey wasiirka warfaafinta maamulka Khaatumo.

Sidoo kale ujeedada waftigan ayaa loo macnayn karaan inay gogosha u soo xaadhayaan bilawga diiwaangalinta codbixiyaha oo la filayo inay ka bilaabanto deegaanada gobolka Sool, maadaama ay dadka deegaanka iyo xukuuumadda Somaliland dhawaan heshiis wax qaybsi ku yeesheen deegaanka Awrboogays.

Shacabka ku dhaqana gobolka Sool ayaa wakhti xadirkan u muuqda inay diyaar u yihiin inay dadka reer Somaliland intooda kale wax la qaybsadaan maadama ay ku jireen 25 sano oo dib udhac siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid bulshoba ay la deris ahaayeen.

Waxaa la filayaa inay dhawaan diiwaangalinta codbixiyuhu ka bilabanto Gobolka Sool oo noqon doona gobolkii ugu dambeeyey ee diiwaangalitu ka qabsoonto, waxaana la dhawrayaa inay dadka reer Sool si wayn uga qayb qaataan diiwaangalinta maadaama ay cadadkoodu ka turjumayo cududooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here