“Somaliland Waxa Ka Jira Koox Xukuumadda Ku Jirta Oo Maalintii 7 Goor Qadeeya, Koox Shaxaad Badan, Koox Wadaaddo Ah Oo Laba Laba Xaas Leh..” Y. Budle

0
475
Yuusuf Budle oo ah Siyaasi Reer Somaliland ah oo ku nool Dalka Maraykanka, isla-markaana dhawaan Safar ku yimid Hargeysa ayaa qoraal dheer kaga sheekeeyay Kooxo kala aragti duwan oo uu sheegay inay Somaliland ku nool yihiin, isagoo koox walba hab-dhaqankeeda si gaar ah u faaqiday.
Kooxahan oo uu tiradooda ku sheegay Afar, ayaa dhammaantood leh Hab-dhaqanno kala gedisan, kuwaasi isugu jira Koox ku jirta Nimco oo aan ogeyn inay jiraan Dad aan haysan Nimcada ay haysataan, Koox Wadaaddo u badan oo Ganacsiga ku badan, Kooxo Siyaasiyiin ah oo aan Xilal hayn iyo Koox kale.
Qoraalkan oo uu Yuusuf Budle ku baahiyey Internet-ka isla-markaana uu Ciwaan uga dhigay “WAXA IIGA SOO BAXAY S/LAND:”  ayuu ku bilaabay sidan:-
Runtii waxa jira 4 kooxood oo ku wada nool Somaliland, laakiin aan kooxna kooxda kale warba u haynin ama aan wax xidhiidh ah la lahayn.
  1. Koox Xukuumadda ku jirta oo maalintii 7 goor qadeeya, tan iyo maalintii ay xukuumaddu soo xero-gelisayna miisaankooda culaysku is libin-laabay, halisna ugu jira in ay qaadaan xanuunada ay buurnidu keento, sida wadno xanuunka, colostrol-ka, macaanka, iwm. Kooxdaasi waxa kale oo ay intooda badan ku caan baxeen belwadaha noocyada badan iyo dhaqan xumadii rogtay xukuumado badan, sida tumashada, iwm. Kooxdani waxa ay kaba indho la’yihiin in wax qaladaad ahiba dalkan ka jiraan, meel walbana waa u doog iyo haro buuxa. Waxay intooda badan ku xidhan yihiin barxadda Madaxtooyada, qololka hudheellada waaweyn, guryo gaar loo kiraystay oo goglan iyo Land-Crousero daaqado madoow…… Kooxdanu casumaado badan ayay fidiyaan, laakiin waa in aad cuntadana sidii wax waalan ula cunto ilaa inta indhuhu ku bararayaan, waana in aad ugu yaraan qaadka cuntaa, haddaanad wax kale ku darayn.
  2. Kooxda labaad waa koox cadhaysan oo 100% mucaarid ah, intooda badana u badan shaqsiyaad ama xilal hore looga qaaday ama xilal rajaynayay oo ku guuldaraystay. Kooxdani indhahoogu maba arkaan wax aan ahayn xumaan, dal dumaya, Siilaanyo oo ula ekaaday Siyaad Barre, Muuse Biixi oo ula ekaaday Morgan, iwm. Kooxdana intooda badani waa rag siyaasadda hore ugu soo jiray, cadho aad u weyna qaba, aargoosina ku dhaarsan. Balwadahoodu ma yara, laakiin jeebkooda oo aan fiicnayn awgeed, maalina way seexdaan maalina Mafrajyo iyo maqaaxiyahay fadhiyaan….. Kooxdanu waa kooxda ugu shaxaadka badan….
  3. Kooxda saddexaad waa koox ku dawakhtay siyaasadaha dalka ka socda, mucaarid iyo muxaafidba, dhegahana ka furaystay dhacdooyinka Maanta jira. Kooxdan marka aad la kulanto waxa la moodaa in ay soogaleeti yihiin oo war-hayntoodu ma badna. Intooda badan waxay u badan yihiin dad aqoon maadi ah oo fiican leh, qaarkood badana la soo shaqeeyeen xukuumadihii hore, laakiin hadda si fiican uga dhacay siyaasadda dalka iyo xataa aqoonta dadka ay ku dhex nool yihiin.
Kooxdan intooda badan waa keli socod aan koox koox u fadhiisan. Qaarkood badan waxa uu xidhiidhkoodu ku kooban yahay qoyskooda hoose iyo raaska ay kasoo jeedaan oo keliya. Kooxdan intooda badan jeebkoodu ma madhna oo ama ciyaalkoodii ayaa u koray oo masruufa ama hanti ay hore u dhaqdeen ayay masruufsadaan. Kooxdan intooda badan waxna ma bixiyaan, waxna ma shaxaadaan.
  1. Kooxda afraad ee ugu dambaysaa waa: Koox Ganacsato ah, qaarkood badanina ay dabada ku hayaan xidhiidh ganacsi, saaxiibtinimo, koox-is-aaminaad diimeed. Kooxdan intooda badan waa hantiilayaal jeebkoodu buuxo, intooda badan waxay ku jiraan ganacsiyo shuraako ah oo khad qaboow ah. Kooxdan kuwooda wadaaddada ah iyo kuwooda kaleba, intooda badan waxa ay leeyihiin laba xaas iyo in ka badan. Waxa ay aad u aaminsan yihiin dhalmada badan, gaar ahaan in wiilal badan la dhalo. Da’doodu waxay u badan tahay 30 jir ilaa 55 jir. Kooxdan waxa ay si weyn ugu xidhan yihiin xukuumad iyo mucaaridba, intooda taladu ka go’do (madaxda ugu saraysa oo keliya).
Kooxdan waxna way casumaan, waanad casumi kartaa…..laakiin waa in aad wax dan ah (interest) ka wada hadlaysaan….haddii kale wakhtigoodu waa cidhiidhi.
Intaas marka laga yimaaddo waxa iyaguna jira kooxo aan ugu yeedhi karo ” Cusbada Somaliland”. Kooxdan intooda badan waa qurbojoog raaci kari waayay ama la qabsan kari waayay 4ta kooxood ee dalku u qaybsamay. Intooda badan waxa ay dalka yimaaddaan iyaga oo lacag yar sita, fikir badana wada, laakiin muddo gaaban gudahood lacagtiina way ka dhamaataa, fikirkoodiina waa ka qasqasmaa… kadibna waxa ay kolba la saftaan koox ayna aad isku aqoon, muddo gaaban gudaheedna waa la soo kala boodaa. Kooxdan cusbada ah marka ay dalka ku cusub yihiin aadbay u gacan furan yihiin, iyagaana wax casuuma, laakiin muddo yar kadib waxa ay ku biiraan qaybta wax shaxaadda. Kooxdan bilaha hore waa dad aad u farxad badan, laakiin muddooyinka dambe waxa ay noqdaan neerfis aad u cadho iyo dagaal badan. Ugu dambayn, waxa jira Aabo Siilaanyo oo isagu dalka wax ka socdaba aan warba hayn iyo koox yar oo ka ilaalisa in uu ogaado waxa dalka ka socda.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here