Madaxweynaha Somaliland Oo La Sheegay Inuu Go’aamiyay Kala Qaadista Labadii Doorasho & Muddo Kordhin Laba Sanno Ah Oo Loo Sameeyo Golaha Wakiilada.

0
433

Warar hoose oo ay heshay Shabakada wararka ee Somalilandtoday.com ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliland, Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) go’aamiyay in la kala qaado labadii doorasho ee isa saarna, kuwaas oo qurshuhu aha in hal mar la wada qabto Doorashada Madaxtooyada iyo Golaha Wakiilada, kuwaas oo ku mudaysnaa bisha saddexaad ee sannadka inagu soo foolka  leh ee 2017.

141a5752-43ff-4245-8316-aa25dae171bc

Arrintan ayaa timi kadib markii hoggaamiyaasha Saddexda Xisbi Qaran go’aan ka gaadhi wayeen saami qaybsigii lagu soo dooran laha Golaha Wakiilada, kadibna ay go’aan ka gaadhista arrintaas u gudbiyeen Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Siilaanyo, iyagoo sheegay inay ku qanci doonaan go’aanka uu ka gaadho. Siday sheegayaan xogaha hoose ee ay heshay Shabakada wararka Somalilandtoday.com, Madaxweyne Siilaanyo ayaa go’aamiyay in la kala qaado labada doorasho, iyadoo la soo hormarinaayo doorashada Madaxtooyada taas oo lagu qaban doono wakhtigii loo qorsheeyay ee 17/3/2017. Halka doorashada Golaha Wakiilada dib loo dhigidoono laguna kordhin doono laba sanno oo muddo koradhsiimo ah.

Taas oo ka dhigaysa inay Xildhibaanada Golaha Wakiiladu kuraasta sii fadhiyaan ilaa 2019, maadaama oo hadda muddada u hadhay xiligii doorashadooda la qorsheeyay ay ka hadhsanayd todoba bilood. Haddii muddo kordhintan cusub loo sameeyo Golaha Wakiilada waxay noqonayaan Golohii sharci dajineed ee ugu cimriga dheera, iyadoo muddo xileedka la doortay ahayd shan sanno oo ku dhammaanaysay sannadkii 2010.

Si kastaba ha ahaate go’aanka Madaxweynaha Somaliland ku kala qaadayo labada doorasho, isla markaana muddo kordhinta loogu samaynaayo Golaha Wakiilada ayaa la filaaya inay buuq hor leh ka dhex dhaliso Dawladaha Somaliland ka tageera Dimuquraadiyada iyo Xukuumadda xilka haysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here