Waa Kuma Xoghayaha Cusub Ee Loo Magacaabay Gobolka Togdheer Hadal Ka Dhashay Bedelka Xoghayihii Hore Iyo Gacansaydhka Waran Cadde..

0
427

Waa Kuma Xoghayaha Cusub Ee Loo Magacaabay Gobolka Togdheer.

Dhawaan Waxaan Gobolka Togdheer Loo Soo Magacaabay Xoghaye Cusub Iyada Oo La Bedelay Xoghayihii Hore Ee Gobolka Wali Khayre Xoghayaha Cusub Ee La Magacaabay Ayaa Ah Nin Dhalinyaro ah Oo Ka Mid ahaa Dhalinyaradii Ugu Firfircoonayd Gobolka Togdheer Waxaana Lagu Magacaabaa Cabdirisaaq Kayse Yaasiin.

Bedelka Xoghayaha Gobolka Ayaa Ahaa Waqtigan Mid Loo Baahnaa Maadaama Uu Xoghayihii Hore Aanu Ahayn Mid U Qalma Shaqadaasi Waxaanu Bedelka Xoghayaha Cusub Noqondoona Mid Waxbadan Ku Soo Kordhiya Hore Usocodka Horumarka Gobolka.

Mudooyinkan Danbe Waxa Bulshada Dhex Soconayey Warar Sheegaya In Beesha Uu Ka Soo Jeedo Xoghayihii Hore Ay Ka Xumaadeen Arrinkaasi Iyaga Oo Ergooyin Iyo Farriimo U Diray Xukuumada Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Hase Ahaatee Arrintan Ayaa Soo Baxday Waxaana Si Rasmi ah Loo Bedelay Xoghayaha Waxaana Arrinkaasi Ku Gacansaydhay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Isaga Oo Sheegay Inay Fadeexad Tahay Arrintaasi Xiligana Aaanay Macquul ahayn In Masuul Xukuumadu Magacawday Dib Loo Joojiyo.

Bulshada Reer  Burco Ayaa Soo Dhaweysay Xoghayaha Cusub Ee Gobolka Togdheer Maadama Uu Yahay Aqoonyahan Da’yar Lana Jaanqaadi Kara Badhasaabka Gobolka Togdhee Oo Ah Khabiir Aqoonyahan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here