Daawo:(Sawiro)Madaxdhaqameedka Iyo Siyaasiyiinta Beellaha Ciiddagale Oo U Quus Gooyay Shirka Ay Dabada Ka Riixayaan Xisbiga WADANI Ee Ay Ku Baaqeen Beelaha Galbeedka Bariga Burco

0
421

 

 

Madax Dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ee ka soo jeeda Deegaanadda Koonfurta, Badhtamaha Hargeysa iyo Sallaxley (Beellaha Ciiddagale), ayaa gaashaanka ku dhuftay shir Beelleed uu xisbiga WADDANI dabada ka riixayo oo ay walaallahooda galbeedka Burco iclaamiyeen qabsoomidiisaKaasi oo ay u geliyeen shaadh qabiil.

 

Suldaanka guuud ee beellaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Suldaan Cabdillaahi Suldaan Diiriye iyo Odayga ruug cadaaga ah ee reer Somaliland X. Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ay weheliyeen boqollaal xubnood oo ka soo jeeda deegaannada bariga, badhtamaha iyo koonfurta Hargeysa iyo Sallaxley oo shalay warbaahinta kula hadlay magaallada Hargeysa ayaa si adag uga soo hor jeestay isla markaana Cambaareeyey Shir Beelleed la sheegay in lagu qaban doono Sabtidda soo socota magaaladda Hargeysa kaas oo loo qaban doono Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa, waxaana ay Xukuumadda ugu baaqeen oday dhaqameedka hadlay inay talaabo adag oo dhanka sharciga ah ka qaado dadka ku baaqay shirkaasi aan macnaha ku fadhiyin, waxaana ka mid ahaa Xubnaha kulankaasi ka soo qaybgalay Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe), Caaqil Cabdirisaaq Xuseen Askar, Abwaan Muuse Cali Faruur iyo Madax dhaqameed kale oo tiro badan oo dhamaan tood luuqad isku mid ah kaga soo hor jeestay shir ay ka soo hor jeesteen.

Caaqil Cabdirisaaq Xuseen Askar oo ka mid Madax dhaqameedka Shirka Jaraa’id ka hadlay waxa tilmaamay in Beelaha Garxajis ee la sheegay in magacooda shirka lagu qaban doono aanay jirin wax dhibaato ah oo loo shiriyo oo dhextaala waxaanu yidhi “Salaadiintii Ciiddagale wataas oo Xaaji Cabdikariin oo inoogu weyni waaka inoo fadhiya oo Suldaankii Guud wuu fadhiyaa oo Muuse Cali Faruur wuu fadhiyaa oo Cuqaashi waa taas oo ciida wax leeg ayaa fadhiya shirkan, dadkaas oo dhan imika markii warbaahinta la yidhi ha la la hadlo ayaa loo yeedhay, qaarkoodna warbaahinta ayey wax ka maqleen, marka Illaahay ayaan idin ku dhaariyee bal dadka na daawanayoow shirka caynkaas ahi ee la leeyahay hadana Garxajis ayaa loo qabanayaa horta garxajis ma wax dhibaato ah oo imika na dhextaala ayaa jirta, garxajis mar waa dhex mareen wixiina way dhamaadeen oo waa laga caafimaaday”

Ciidagale 1.jpgkJiif Caaqil Rashiid Cabdilaahi Jaamac ( Faajeer) oo isna halka hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Waar horta garxajis meel ma ku wada nool yahay mise dad meel ku kala maqan ayuu ahaa ama dad wax isku haya oo wax ka dhextaagan yihiin ma ahaa, shirkaasi marka la leeyahay garxajis ayaa la wada hadashiinayaa horta waa xaalad abuur sida u yaala ayaan u arkaa”

Jiif Caaqil Cali Axmed Cabdilaahi (Cidhib Barakale) oo shirka Jaraa’id ka hadlay waxa uu si adag u Cambaareeyey Shirka la sheegay in loo qaban doono Beelaha Galbeedka Burco iyo Koonfurta Hargeysa waxaanu yidhi “Horta la ma odhan karo Beelaha Garxajis walaalo maaha ma shiri karaana la ma odhan karo, laakiin shirka garxajis ee la hadal hayo walaalo kuma aha waa shir Siyaasaddeed waana in yar oo kooban, Shirka Garxajis waa midka hawdka ka dhaca ee Geela lagu qalo ee mudo la fadhiyo oo wixii jira lays talo saaro, shirka maanta la leeyahay halkan Hargeysa 400 oo qof iyo waxba ka soo qaybgalaysa waxaan leeyahay dhibaato ayaa ka soo kordhaysa oo mid aanu raacsa nahayna maaha ee shirka dhaqankiisu waa Siyaasi,tabashada la sheegana waar ninba meel ayuu xoqanayaa oo halkii aanu anagu xoqanaynayna waanu idin sheegnay oo anaga ayaa idiinka horaynay Xisbinimo oo doorasho anaga ayaa idinka hor baranay”

Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo isaguna halka ka hadlay waxa uu ka soo hor jeesta oo dhaliilay shirka la sheegay in Koonfurta Hargeysa todobaadka dambe lagu qaban doono waxaanu yidhi “Sida aad garateen ayaanu idin la garanay oo sida Cuqaasha iyo odayaashu idin la garteen ayaanu idin la qaadanay waana sidii ay ahayd oo Garxajis col ahi ma jiro hadiise dhexdooda ay is hagaajinayso imika ma aha oo waa goor dambe weeye, Habaryoonis nabad ayaanu nahay oo Habar Awal nabad ayaanu nahay oo Ayuub, Tol-Jecle,

Aragab,Maxamed Subeer dhamaan umadda Somaliland nabad ayaanu nahay oo wixii nabad wada ayuumbaan nabad u ahay ee ninkii in yar oo qalooca wada shaqo kuma lihi oo sida odayaashu garteen ee Suldaanka guud ku gudoomin doono ayaan la socdaa , Xukuumaddana waxaan leeyahay xaga xeebta iyo xaga xaaxida yaan laga xigin oo wax badan ayaa daasad laydiin tumay oo dawladda sidaynu isku ogeyn maanta waxaanu ugu mahadnaqaynaa degmadda Balimataan ee ayna siisay waanu ugu mahadnaqaynaa oo madaxweynaha qaranka, madaxweyne ku xigeenka iyo wasiiraddu sida sharafka leh ee ay yeeleen baanu uga mahadcelinaynaa”

Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ugu dambeyntii shirka Jaraa’id ee lagaga soo horjeeday Shirka la sheegay in Beelaha garxajis Masalaha loogu qabanaayo oo uu suldaanku xumuuda ugu baaqay inay talaabo adag ka qaado cida dabada ka riixaysa waxaanu yidhi “Waxa weeye horta Garxajis inta aanu shirin reer reer ayeynu nahay oo in aynu reerkeena shirino oo laysku yimaado ayaa muhiim ah, waxaan leeyahay talaabo adag hadii aanay xukuumaddu ka qaadeyn, waxaynu ku hadalaaba waa xiiq uun”

Ciidagale
Ciidagale 4
Ciidagale 3
Ciidagale 2

Source:Hubaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here