Wasaarada Waxbarashada Somaliland Oo La Filaayo Inay Maalinta Berri Ah Ku Dhawaaqdo Natiijada Imtaxaanadka Shahaadiga Aha Ee Fasalada 4aad Iyo 8aad

0
431

Warar ka agdhaw wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa sheegaya in la filayo in maalinta bari ah lasoo dhajiyo imtixaankii shahaadiga ahaa ee ardayda dugsiyada dhexe iyo sare ee Somaliland.

Waxaayna xoghani ay noo sheegeen in wasaaradu ay qorshaysay in ay bari oo taariikhdu ku beegan thay 11-08-2016- ay soo dhajiyaan imtixaanka iyada oo saaka ay sida xogahhani noo sheegeen ay u direen gobolada dalka iyo degmooyinkaba imtixaankii ardayda.xogahani ay intaa ku dareen in sanadkan ay dhaceen tiradii ugu badnayd ee ardayda ah.

Wasaarada waxbarashada Somaliland ayaa iyadu hore u balan qaaday in imitxaanka ay soo dhajin doonto horaanta bishan aynu ku guda jirno balse wasaarada ayaa ku fashilantay mana ay shaacin sababaha dib u dhigay dhajinta imtixaanaadka shahaadiga ah.

Ardayda sanadkan dhamaysay dugsiyada dhexe iyo sare ayaa suga natiijada imtixaankooda, wallow wararku sheegayaan in dugsiyada qaar ay bilaabeen diiwaangalinta ardayda cusub ee sanad dugsiyeedka,

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here