Daawo Sawiro Dawlada Hoose Ee Degmada Garadag Oo Bilawday Dhismaha Ceel Biyood Cusub

0
437

Dawlada Hoose Ee Degmada Garadag Oo Bilawday Dhismaha Ceel Biyood Cusub

Dawlada Hoose Ee Demada Gar-adag Ayaa Bilawday Dhismaha Ceel-Biyood Cusub Kaasi Oo Biyaha Ay Ka Cabidoonaan Guud ahaan Deegaanka Dad Iyo Duunyaba.

Ceelkan Ayaa Waxa Laga Hirgeliyey Agagaarka Ceel Hore Looga Cabi Jiray Oo Dayac Awgii Awdmay Ka Dib Arrintaasi Ayaa Maayirka Degmada Gar-adag Ku Dhiiraday Fulinta Iyo Samaynta Ceel-Biyood Cusub Maadaama Ay Lagama Maarmaan Tahay Waqtigan Ceelweyn Oo Lagaga Baxo Baahida Biyaha.

Ceelbiyoodkan Oo Qditaankiisu Socdo Ayaa Noqon Doona Mid Faa’iido Badan Ay Ka Helaan Noolaha Kala Duwan Ee Ku Nool Deegaankaasi.

Waxaana Si Weyn Ceel-Biyoodkaasi U Soo Dhaweeyey Dadweynaha Deegaanka Oo Hore Uga Warwarsanaa Ceelkii Hore Ee Dayaca U Baaba’ay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here