War Deg Deg Ah:- Madaxwaynaha Somaliland Oo Saaka U Jarmaaday Gobolada Bariga Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

0
540

War Deg Deg Ah:- Madaxwaynaha Somaliland Oo Saaka U Jarmaaday Gobolada Bariga Somaliland Iyo Ujeedada Socdaalkiisa   Madaxwaynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti uu hogaaminayo oo kamida golahiisa wasiirada ayaa saaka u jarmaaday dhankaa iyo gobolada bariga Somaliland.  Waxaana sida naloo sheegay madaxwaynuha iyo waftigani ay marayaan dhamaan gobolada bariga Somaliland isaga oo socdaalkiisa ka bilaabaya magaalada berbera ee xarunta gobolka saaxil lana filayo inuu ku yara nagaado.  Ujeedada madaxwaynaha ayaa ah xog-ogaal u noqoshada iyo u kuur galida xaaladda dadka iyo duunyada ku dhaqan gobolada bariga Somaliland isaga oo sida la filayana kulamo la yeelan doona dhamaan masuuliyiinta iyo shacabka gobolada. Lasoco Muqaalada Iyo Hadba Meelaha Uu Madaxweynaha Somaliland Gaadho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here