Waxaa magaalada Balicalanle oo ka tirsan ee gobolka Togdheer booqasho ku tagay Mayarka Burco iyo Xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Burc

0
718

Waxaa magaalada Balicalanle oo ka tirsan  ee gobolka Togdheer booqasho ku tagay Mayarka Burco iyo  Xildhibaanno ka tirsan golaha degaanka Burco oo ay ka mid yihiin xildhibaan Mubaarik Bidhi, xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen iyo Xildhibaan Gaboobe iyo Axmed Cabdi Dhinbil iyo Xildhibaan Siicid Axmed oo u tagay siday usoo indha indhay lahaayeen diwaangalinta  qaadashada kaadhka codbixiyaha oo ka bilawday Magaalada  Balicalanle,

11

Waftidan oo sii maray Deegaamo badan oo laga soo doortay ayaa markay gaadheen deegaanka Balicalanle waxay halkaasi kula hadleen dadwaynihii kala duwanaa ee halkaasi ugu heelanaa, indha indhayn ka bacdi siday bali-calanle uga socoto qaadashada kaadhka codbixiyuhu, waxaa Halkaasi ka hadlay Xildhibaan Mubaarik Bidhi isagoo ka hadlay siday usocoto diwaangalintu waxaanu baaq u diray Komishanka doorashooyinka Somaliland isagoo sheegay inaanay ku filayn dadwaynaha reer aBlicalanle hal sanduuq Waxaanu yidhi “Maanta waxaa innoo bilaambay diwaangalintii qaadashada kaadhka codbixiyaha oo laynaga rabo inaynu si wayn ugu soo baxno qaadashada kaadhaas waliba maalmaha hore inta jaaniska ay leedahay goobtu oo qof walba waxaanu ku wacyi galinaynnaa inaanu dayacin jaaniskaas uu ku qaadanayo kaadhkiisa codaynta Waxaa kaloo aan halkan kasoo jeedinayaa in dadwaynahan reer Bali-calanle aanay ku filayn Hal Sanduuq oo kaliya waayo dadka degen magaaladani way ka badanyihiin hal sanduuq wax ku codeeya”
Xildhibaan Bidhi oo hadalkiisa sii watta ayaa qeexay in durbaba maalintii ugu horaysay ay qalabkii diwaan galinta goobtaasi magaalada bali calanle qaarkood xumaadeen oo dadka isdiwaan galiyay dadkooban ahaayeen waxaanu yidhi “Xiligaas oo lajoogo duhur waxa qaatay kaadhka codbixiyuhu gaadhi maayaan 20 qof waayo waxaa xumaaday qalabkii oo awal hore wax yar ayaa lakeenay goobta markaa waxaanu gudida koomishanka ka codsanaynnaa inay noosoo kordhiyaan sanduuqyada waxaa kaloo aanu soo jeedinaynnaa dhamaan xildhibaanadayani iyo salaadiintan iyo cuqaashani reer bali-calanle in hadda haddii hal sanduuq naloo keenay mid naloo Reebo oo aan kan kaliya aan nalaga qaadin waayo hadii nalaga qaado dadkayagii codkoodii way Khasaareen oo masuuliyadaana waxaa iska leh koomishanka” ayuu yidhi

xildhibaan Mubaarik Bidhi oo kamida xildhibaanada Golaha degaanka burco,
waxaa kaloo halkaasi ka hadlay xildhibaan Nuux maxamed Xuseen oo qayb ka ahaa waftidan soo gaadhay magaalada Bali-calanle , waxaanu xildhibaan Nuux sheegay in loo baahanyahay in gudida diwaangalintu ay xil wayn iska saarto sidii dadkaasi reer Bali-calane dhammaantood u wada qaadan lahaayeen kaadhkaas codbixiyaha waxaanu yidhi ” ugu horayn waa inaad qaadataan kaadhka codbixinta dadwaynooy marka xigana gudida doorashooyinka waxaan leeyahay hal sanduuq kuma filla dadkan degen magaaladan Bali-calanle oo waayo waxaa laisaga imanayaa tuuroolin kale iyo waliba dadkii reer guuraaga ahaa oo degen magaaladoodii markaa waxaanu gudida doorashooyinka u sheegaynnaa in hadhoow ay reerbto sanduuq lagu codeeyo” Sidaas ayuu yidhi xildhibaan Nuux Maxamed xuseen

 

Xidhibaan Gaboobe oo ka mida golaha degaanka burco waxaanu halkaasi ka yidhi “Allaa mahadleh innoo suuro galiyay in aynu si nabad galyaa u qaadano kaadhka codbixiyaha bulshooy waxaa laidinka rabaa inaad si degen u qaadataan kaadhka oo waayo faaiido badan ayuu leeyahy deegaan walba waxaa lagu qiimaynayaa codkuu keeno hadhoow inta qofee qaadatay ayaa deegaanadu isku dhaafayaan” Ayuu yidhi xildhibaan Gaboobe,

 

Waxaa isna codsi u soo jediyay guddida Komishanka Xildhibaan Axmed Cabdi Dhinbil  oo sheegay in Balicalanle u bahan yahay sanduuq kale dadka magaalada aad u badan yahay/

 

Waxaa gabagabdii isna halka ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxman oo dadka ku wacyigeliyay inan qatan kadhka codbixiyaasha ,Balicalanle ka waramay inay halgankii dalka lagu xoreeyay inay door weyn ka qadatay.

 
Dhankooda Dadyawgii kala duwanaa ee kaadhka qaadanayay ayaa siwayn uga cawday gudida diwaan galinta oo ay sheegeen in qalabkay keeneen yahay mid aana shaqaynayn shaqaalaha goobtaasina aanay xirfad buuxda u lahayn ” Ilaa saaka wax yar ayaa naga qaatay oo mar waxaa xumaada kambuyuutarka marna bahalka Sawiraya indhahaa ayaa xumaada dhalinyarada shaqaynaysaana khibrad uma laha shaqadan oo wixii xumaadaba qof ayaa magaalo kale looga doonayaa oo intaas ayuu wakhtigu naga dhacayaa” Sidaa Waxaa yidhi Nin Ku Jiray Safkii Goobtaas laga qaadanayay kaadhka Codbixinta oo magaciisa noogu soo gaabiyay Cabdisamad.
Waxaana Xusid mudan in Xildhibaanada  kala ah  Mubaarik Bidhi iyo Xildhibaan Nuux Maxamed iyo Xildhibaan Ibraahin Gaboobe  ay geeyeen magaalada bali-calanle Dugsigeeda agab waxbarasho oo qiime leh iyo waliba iyagoo Kooxo ka dhisan Magaaladaasi Gudoonsiiyay Agab Ciyaareed oo dhamaystiran oo ay Xildhibaanadu ku dhiiri galinayaan dhalinyarada ku Nool Magaaladaas Bali-calanle, iyagoo dhalinyarada magaaladaasina u mahad naqay xildhibaanadan soo gaadhsiiyay agabka waxbarasho iyo Ciyaareed ee Muhimkaa.

 

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here