Trump oo weerar dhanka twitterka ah ku qaaday siyaasiyiin xisbigiisa ka tiran iyo qaar ka mid ah taageerayaashiisa

0
508

trumpwar1

Tan iyo markii uu soo shaac baxay filmka sida qarsoodiga ah looga duubay musharraxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump kaas oo u gefaya haweenka islamarkaana haweeney la qabo isku dayay in uu shukaansado ayaa waxaa soo food-saaray culeys dhan walba ah oo xitaa dhanka xisbigiisa ah,

Kaddib soo shaac-baxa filmkan ayaa waxaa Mr. Trump kalsoonidii kala laabtay siyaasiyiin mug weyn ku dhex leh xisbiga Jamhuuriga iyo siyaasadda Mareykanka oo ay ka mid yihiin Paul Ryan, Mac Cain, Condoleezza Rice iyo kuwo kale.

Sidoo kale waxa uu mr. waayay kalsoonida taageerayaal badan sababo la xiriira soo shaac baxa cajalkan, laakiin Donald Trump ayaa dadkaan oo dhan ugu yeeray “fulayaal”.

Siyaasiyiinta qaar ayuu waxa uu ku weeraray farriin-qoraaleedyo uu soo dhigay bartiisa bulshada ee twitterka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here