Boqorka dalka Thailand Bhumibol Adulyadej oo geeriyooday.

0
616

(QYN)Boqorka dalka Thailand Bhumibol Adulyadej, oo ah boqorka ugu xukunka dheeraa adduunka ayaa geeriyooday isagoo 88 sano jir ah, sidaasi waxaa shaacisay boqortooyada dalka Thailand.

Boqorka o ayaa xukunka hayay tan iyo 1946 dii, waxaa loo arkayay inuu ahaa qof mideeyay Thailand.
Waxaa jirta cabsi ah in dhimashadiisa waddankan oo milatari ka taliyo u keento deganaansho la’aan.

Boqortooyada ayaa Axaddii ka digtay in caafimaadka boqorka uusan wanaagsanayn. Boqolaal qof ayaa isugu soo baxday cisbitaalka lagu daweynayay boqorka.

Sharciyo adag ayaa u yaalla dalka Thailand, sharciyadaasi oo mamnuuc ka dhigayo in dadweynaha ay ka hadlaan cidiii badali lahayd boqorka geeriyooday.

Boqor Bhumibol, oo ku dhashay gobolka Massachusetts ee dalka Mraykanka ayaa boqortooyada wuxuu la wareegay, 9 June 1946 ka dib markii walaalkii boqor Ananda Mahidol, uu dhintay.

Dhimashada boqorka ayaa timid iaydoo dalkaasi uu wali ku jira xukun milatari oo yimid ka dib agfembigii dhacay sanaddii 2014-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here