Jaaliyada Wadanka Ingiriiska Ee Gobolada Hawd Iyo Hargeysa Oo Taageero Balaadhan U Muujiyey In Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Lagu Wareejiyo Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde

0
759

London(QYN):Jaaliyada Somaliland ee ku sugan wadanka Ingiriiska kana soo jeeda gobolada Hawd iyo Hargeysa ayaa si weyn taageeray in gudoomiyaha xisbiga Waddani lagu wareejiyo xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde

 

Jaaliyada wadanka Ingiriiska ee ka soo jeeda gobolada Hawd Iyo Hargeysa ayaa oo war murtiyeed soo saaray ayaa sheegay inuu xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mudan yahay in lagu wareejiyo hogaaminta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani, waxaanay tilmaameen inuu yahay masuul sumcad badan ku dhex leh guud ahaan shacabka somaliland, kaas oo mustaqbalkana noqon kara musharax u tartami kara xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

Jaaliyada wadanka Ingiriiska ee gobolada Hawd iyo Hargeysa waxa kale oo ay jirde4-jpg

sheegeen in shirarkii ay galeen qurba joogu ay ku go,aamiyeen in xildhibaan Cabdiqaadir Jirde lagu taageero gudoomiyaha xisbiga Waddani, waxaanay sheegeen inay cod iyo dhaqaalaba la garab istaagayaan xisbiga Waddani marka gudoomiyaha lagu wareejiyo xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

Sidoo kale waxay salaadiinta iyo wax garadka gobolada Hawd iyo Hargeysa ugu baaqeen inay is garab istaagaan xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, iyaga oo shacabkana ugu baaqay inay taageeraan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here