War Deg Deg Ah:-Madaxweyne Siilaanyo Oo Siyaasi Tiimbaro Ka Aqbalay Is Casilaadii Uu U Gudbiyey

0
590

Taariikh: – 04/12/2016            siilaanyo-777-jpg   WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu ka Aqbalay Istiqaaladii uu u soo gudbiyey Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex ee xalay la magacaabay, waxaanu madaxweynuhu dib ka soo magacaabi doona masuulkii hanan lahaa xilkaas, sida ugu habboon.

Waxaanu Madaxweynuhu kaga jawaabay Istiqaaladaas sidan:-

Ujeeddo:       Aqbalaad Istiqaalad

Ku:      Mudane, Axmed Maxamed Caalin (Tiimbaro)

Guddoomiyihii Gobolka Maroodi-jeex                               Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha                          Hargeysa

 

Mudane,

Aniga oo ka duulaya shaqo ka-tagistaada xilka kor ku xusan ee aad warbaahinta ka sheegtay, waan soo dhaweynayaa, waanan kaa aqbalay iska-casilaaddaada.

Sidaas darteed, waxaan kuu rajaynayaa niyad-sami iyo mustaqbal wacan.

 

 

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka

 


 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here