Khasaaraha qaraxii saakay ee bannaanka hore ee dekadda Muqdisho oo kordhay iyo saameynta uu reebay

0
500

Khasaaraha dhimashada qaraxii saakay aroortii ka dhacay agagaarka dekadda Muqdisho ayaa sare u kacday, waxayna gaartay tirada dhimashada 25 qof, dadka dhaawacana ay intaas ka badan tahay.

 

araxa ayaa lala beegsaday xoogsatada dekadda Muqdisho xili ay ku shaahayeen geedaha dhaadheer ee dekadda kasoo horjeeda, kuna yaalay saldhig boolis oo canshuuraha bari lagu qaado.

Waxaa weli xeran wadada hormarta dekadda Muqdisho, xaaladana goobta qaraxa uu ka dhacayna weli waxaa ka muuqda burbur baaxad leh.

Gaari nooca xamuulka ah oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa loo adeegsaday qaraxii saakay, kaasoo xalay la dhigay goobta uu ku qarxay.

 bolisqaraxdekad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here