MASAR: Qarax lala eegtay kaniisad oo galaaftay nolosha 25 ruux iyo m/weynaha dalkaasi oo ku dhawaaqay 3 maalmood oo baroordiiq ah

0
410
alkaasi Masar weerar lala beegsaday kaniisad lagu magacaabo Sankt Markus oo ku taal magaalada Qaahira ayaa waxaa ku dhintay 25 ruux, waxaana ku dhaawacmay 49 ruux oo kale.

 

Madaxweynaha dalka Masar Cabdifitax Al-sisi ayaa sheegay in dalka seddax maalmood oo baroordiiq ah uu galayo ka dib markii la qarxiyay kaniisad. Alsisi wuxuu weerarka ku tilmaamay inay “manaxayaal argagixiso ah” ka dambeeyeen.

Qaraxa ayaa ka dhacay meel ay ku cibaadeysanayeen dad masiixiyiin ah oo ku sugnaa gudaha kaniisadda.

Kaniisada waxaa iskalahaa Qibdhiyiinta dalka Masar, kuwaas oo boqolkiiba 10 ka ah shacabka dalkaasi.

Weerarada ka dhanka ah qibdhiyiinta ayaa dhowaanahan sare u kacay. Sidoo kale, qeybo badan oo ka mid ah dalkaasi Masar waxaa kla taagan rabshado u dhexeeya Muslimiinta iyo qibdhiyiinta.


kanisadqahira

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here