Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe-oo-dhaliilay-safarkii-madaxwaynaha-ee-gobolada-Bariga -ololaha-madaxwayne-kuxigeenka-iyo-isku-shaandhayntii-u-dambaysay/

0
513

faysal“Madaxwaynuhu Muu Soo Eegine Olole Ayuu Ahaa, Madaxwayne Kuxigeenkii Dhamaa Ee Guddoomiyaha Abaaraha Ahaana Awdaleey Isoo Baxa Ayuu Leeyahay” Faysal Cali WaraabeHargeysa

-Guddoomiyaha Xisbiga UCID ahna murashaxa xisbigaas Faysal Cali Waraabe ayaa xukuumadda Somaliland iyo xisbiga KULMIYE ku eedeeyey inay olole ku jiran iyadoo dalku xaalad abaareed oo aad u daran uu ku jiro.

Faysal Cali Waraabe oo shalay ka hadlayay madal uu xilka kula wareegayay wasiirka cusub ee qorshaynta qaranka Maxamed Ibraahim Aadan (Qabo) ayaa si gaar ah u weeraray madaxwayne kuxigeenka Somaliland oo uu sheegay inuu Boorama olole ugu baxay isagoo ahaa guddoomiyihii guddiga abaaraha, halka ay abaartiina gobolada qaarkood ka sii dartay isagoo arrinkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi:

“Hadda Boorama olole kale ayaa ka socda, Madaxwayne kuxigeenkii ahaa guddoomiyaha abaaraha ayaa Awdaleey iisoo baxa yidhi, abaarbaa na haysa iyo olole isma qabtaan waa wax laga xishoodo waa inaan ololaha joojinaa weeye, xitaa adduunka codkeenii iyo inaynu gaajoonaynaa muu gaadhin, maanta waad aragtaa abaarbaa inagu dhacday abaartii inagu dhacday way sii xumaanaysaa roobna ma di’in, Madaxwaynuhu xaqbuu u lahaa inuu tago oo uu soo eego, laakiin abaar soo eegis ma ahayne olole ayay ahayd 3o baabuur ayaa is raacay, 12 maalmood ayaa la soo wareegay waa la fadhiistay waxa la mooday inay abaartii dhamaatay, waanay sii xumaatay abaartii”.

Geesta kale Faysal Cali Waraabe ayaa labada xisbi ee kale ee KULMIYE iyo WADDANI ku eedeeyey inay turxaan u yeeleen tartanka doorashada waxaana uu yidhi:

“saddex xisbi oo si nadiif ah u tartami jiray ayaanu ahayn, oon qabyaaladi ku jirin, tola’ayeey ku jirin, laakiin maanta tola’ayeey ayaa soo baxday, waa markaygiibaa soo baxday waxasoo dhan waxaa ka daran xisbi kala jabay oo KULMIYE la yidhaahdo ayaa wuxu yidhi ka ciidee hadaad adigu cuni wayday”.

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe ayaa isku shaandhayntii Madaxwaynaha ku sheegay mid la dhawri doono waxay soo kordhiso kaambayn iyo waxqabadba “isku shaandhayntii iminka dhacdayna waxaynu kala ogaan doonaa inay ahayd mid loo baahnaa iyo inay olole ahayd waynu kala ogaan doonaa”.

Hadalka Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda inuu ugu dambayn guddoomiyaha UCID diyaar u yahay inuu Mucaarid ku noqdo xisbiga KULMIYE, iyagoo la ogyahay in sanadkii u dambeeyey gacan saar wayni ka dhexeeyey labada xisbi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here