Madaxweynaha DDSI Oo Xalay U Hoydey Degmada Balidhiig Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyey

0
552

Burco(QYN)“Caawa Laga Bilaabo Magacii Waan idinka Badelay Waxaan Degmada U Bixiyey Balijano” Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Soomaalida

Wetfi uu hogaaminayo Madaxweynaha Kililka Somalida Ethiopia Ee DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey degmada balidhiig, socdaalka madaxweynaha ayaa lagu macneeyey u kuur galka xaalada abaareed ee ka taagan deegaanka ismaamulka somalida itobiya  oo madaxweynaha iyo weftigiisu degmo degmo u marayeen deegaanada uu maamulo, dadweynaha degmada balidhiig ayaa soo dhaweyn cir bax ah u sameeyey madaxweyne cabdi cumar, soo dhaweynta ka dib ayaa madaxweynaha oo bulshada deegaanka la hadlay ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey sida weyn ee loo soo dhaweeyey, waxaanu bulshada usheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka deegaanka waxaanu yidhi. “ caawa aad baan u faraxsanahay waanan idiin mahad celinayaa bulshada degmada caawa magacii hore waan idinka badelay laga bilaabo caawa waxaa laydin yidhaahdaa balijano wixii xog is wareysiyana aroortaynu kala qaadan hadii allah yidhaahdo” waxaanu madaxweynaha DDSI xalay luxudka dhigay oo u hoydey deegaanka balidhiig oo ula baxay bali jano waana markii  ugu horeysay ee madaxweynaha dawlad deegaanku seexdo talaabadan ayaa ku soo beeg maysa dedaalo iyo xidhiidho qoorweynta deegaanku si fool ka fool ah ula sameynayeen madaxda dawlad deegaanka xidhiidhadaas oo midha dhalkoodu noqdey in uu ku hirto inuu u hoydo balidhiig.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.comelay

Burco Somalailand

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here