WASAARADDA WARFAAFINTA OO AAN KA WAR-HAYN XANUUNKA LABA WARIYE OO U SHAQEEYA Iyo Wasiir Cabdiwaaxid Oo Booqdey

0
582

Hargeysa(QYN)Siciid Faarax Muuse (Cagjar) iyo Axmed Muuse Xuseen kana mida hawl wadeenada wasaaradda warfaafinta ayaa waxaa ay u yaalan xaalad caafimaad cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Labadan wariye inkasta oo xaaladdooda caafimaad amase xanuunadoodu ay kala duwan yihiin, hadana wasaarada ay ka hawl galaan, ee warfaafintu kama warheyso, xaaladooda caafimaad iyo ,marxalada ay ku sugan yihiin, hadda.

Geesta kale waxaa jirta lacag laga jaro bil kasta shaqaala weynaha wasaaraddaasi oo loogu talo galey in wax loogu qabto shaqsiyaadka baahidu la soo daristo.

Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo masuuliyiinta uu hormoodka u yahay, midna muu dul istaagin labadan wariye, balse wasiirul-dawlaha wasaarada beeraha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiwaaxiid Cabdilqaadir Cabdiraxmaan, ayaa isagu galinkii danbe maanta dul tagay, labadan saxafi oo ku kala jira laba maqsin oo aan siddaas u kala fogeyn.

Mudane Cabdiwaaxid bookhashadiisu waxaa ay aheyd inuu ogaaddo xaaladdooda caafimaad, hawl wadeenadan ka tirsan wasaaradda warfaafinta.

Mudane Cabdiwaaxid waxaa uu hore u ahaan jiray wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta waana shaqsi jecel kuwa uu la joogo iyo kuwa laga badelo-ba, wariyayaasha xanuusanaya ayaa si weyn ugu mahad-naqay masuulkan soo booqday galabta, halka ay ka tabayaan, masuuliyiintii wasaaradda warfaafinta iyo lacagta bilaha ah ee laga jaro.

Isku soo wada duubo wasaaradda warfaafinta ayaa inta badan waxaa ay moog tahay shaqaale-weynaha ka hawl gala wasaaraddeeda, hadii ay ku timaado marxalad caafimaad, iyo mid kaleba.

Qoryaalenews/Office

Qoryaalenews2@gmail.comwasssssssssssssss

Hargeysa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here